Abriil 26, 2012
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa waxay bisha June Dubai ku marti-gelin doontaa shirweynihii labaad ee caalami ah oo ka dhan ah burcad-badeedda, Wasiirka Arrimaha Dibedda, Sheekh Cabdalla Bin Zayed Al-Nahyaan ayaa shaaciyey Khamiistii (26-ka April).
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa rumaysan in ka bucadaynta badda gaar ahaan Gacanka Cadmeed iyo galbeedka Badweynta Hindiya, ay weli tahay “walaac dhab ah oo caalami ah”, ayuu yiri Al-Nahyaan. “Weerarrada ay burcad-badeeddu geystaan waxay halis geliyaan nolosha boqollaal musaafur-badeed ah, sidaa oo kale ayayna u minjaxaabiyaan barwaaqada iyo hab-nololeedka Soomaaliya, deriskeeda u dhaw, iyo addunka oo idil.”
Shirweynaha ayaa wuxuu kulmin doonaa wasiirro arrimo dibadeed iyo khubaro caalami ah si ay u wada agaasimaan wax-ka-qabasho caalami ah, ayuu yiri wasiirku. Imaaraadku waxay sii joogtayn doonaan ku adkaysiga in ay muhiim tahay in tabaha la dagaallanka burcad-badeednimadu "ay lagama maarmaan tahay in ay muhiimadda saaraan xal waara oo la sii wadi karo” oo xoojiya waddamada gobolka si ay u jebiyaan burcad-badeednimada,” ayuu yiri al-Nahyaan.
Sanadkii hore, in ka badan 700 oo ergay oo metelaya in ka badan 65 dawladood ayaa ka soo qayb-galay shirweynihii kowaad ee la dagaallanka burcad-badeednimada ee ka dhacay Dubai, Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa werisay.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo