Abriil 26, 2012
Guddiga Xaqiijinta Garsoorayaasha iyo Xaakimiinta Kenya ayaa shaqada ka fariisiyey afar garsoore oo sar-sare oo ay ku heleen in aysan ku habboonayn in ay hawshaa sii wadaan, guddoomiyaha guddigaa Sharad Rao ayaa arrintaa Arbacadii (25-ka April) shaaciyey.
Guddiga xaqiijinta oo la aas-aasay 2008-dii ka dib markii u dhacay qalalaasihii doorashooyinka ka dambeeyey, ayaa loo xilsaaray in ay baaraan caddaaladda garsoorka Kenya, Capital FM News-ta Kenya ayaa arrintaa werisay.
Garsoore Sare Riaga Omolo oo ah madaxa maxkamadda racfaanka ayaa ka mid ah garsoorayaasha shaqada laga eryay. Omolo waxaa lagu helay in uu keligii-talis ku ahaa talada maxkamaddiisa, isagoo xukunno aan is lahayn ka gaaray arrimo siyaasadeed. “Dhammaan xaajooyinkii siyaasadeed aa aadka loo qaad-qaaday, go’aannada Omolo waxay u muuqanayeen in ay u janjeeraan dhinaca cadaadinta kali-talisnimada ee aanay u janjeerin in wadiiqooyin loo furo xoriyad-hadalka dimuqraaddiyadeed,” ayuu yiri Rao.
Afarta garsoore ee shaqada laga fariisiyey ayaa haysta hal toddobaad oo ay go’aanka racfaan uga qaataan. Shan garsoore oo kale ayaa lagu waayey eedaymihii lagu soo oogey oo sii wadan doona in ay garsoorrennimo ku sii shaqeeyaan.
"Waxaannu guddiga ugu hambalyaynaynaa shaqada ay qabteen," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Eugene Wamalwa. "Tani waa tallaabo kale oo aannu u qaadnay in aannu soo celinno kalsoonidii ay shacabku ku qabeen hay’addan muhiimka ah, inta aannu hawshan sii wadno waxaa jiri doona khasaare dhinacyada gaara, ha yeeshee waa in aynu soo celinnaa kalsoonida bulshada."
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo