Abriil 26, 2012
Saddex dagaalyahan oo al-Shabaab ah oo joogey Jubbada Hoose ayaa dhinaca kale u soo waregay, waxaana soo dhaweeyey saraakiisha dawladda hoose, Idaacadda Bar-Kulan ee ay Qaramada Midoobay maalgeliso ayaa Khamiistii (26-ka April) werisay.
Saddexda dagaalyahan oo iska soo dhiibay Qooqaanni ayaa markoodii hore ka amar qaadan jirey Xasan Yacquub. Labo ayaa ka mid ahaa ilaalada u gaarka ah meesha uu kan saddexaadna ahaa wadihisii gaariga, Maxamed Cabdullaahi oo ah sarkaal ka tirsan milliteriga Dawladda FKMG ah ayaa sidaa u sheegay Bar-Kulan.
Raggaa soo baxsaday ayaa si diirran loo soo dhaweeyey waxaana haatan lagu hayaa saldhigga bilayska ee degmada, ayuu yiri.
Soo baxsiga dagaalyahaniintan ayaa wuxuu imanayaa hal toddobaad ka dib markii ay labo kale oo hoggaamiyeyaasha al-Shabaab ka mid ah isu soo dhiibeen saraakiisha ku sugan Qooqaanni, Bar-Kulan ayaa werisay. Dawladda ayaa soo baxsiyadatan u tiirinaysa cafiska joogtada ah ee ay u fidisay xubin kasta oo al-Shabaab ah oo soo baxsata.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo