Daadad Kenya ka dhacay oo diley 17, qof 60,000-na barakacshay

Abriil 25, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Daadad xawli ku soconaya oo Kenya ka dhacay ayaa diley ugu yaraan 17 qof barakiciyeyna in ka badan 60,000, jariidadda The Standard ee Kenya ka soo baxda ayaa Talaadadii (24-ka April) werisay.

Jamciyadda Laanqaydha Cas ee Kenya ayaa digniin ku bixisay in ay xaaladuhu ku sii adkaanayaan dadyowga ku nool meelaha ay roobabka culusi ka da’aan. “Jamciyaddu waxay firfircooni gelisay habkeeda la socoshada daadadka waxaaanay sii kaydisay sahay aan cuntada ahayn, taasoo ah tallaabo degdeg ah oo loola gol leeyahay dhaqsi u soo kabasho iyo raad-reeb yaraan,” ayuu yiri Nelly Muluka oo ah maareeyaha war-is-garsiinta ee KRCS.

Dhammaadkii toddobaadka, toddobo qof ayaa ku dhimatay daadad xawli ku socda oo ka dhacay Beerta Qaranka ee Hell’s Gate, toddobo waxay iyana ku dhimatay dhiiqo-guur ka dhacay Gwasi, saddex kalena waxay ku geeriyoodeen Mlolongo iyo gudaha webiga Tana ka dib markii ay biyuhu la tageen.

Dhawr aag oo ka mid ah Kenya ayay saameeyeen daadadku, waxaana ka mid ah qaybta Bomeni ee Degmada Taita Taveta halkaa oo boqol guri ay biyuhu qariyeen 55-na ay biyihii kacayey xaaqeen.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada