Qadar oo $9000 ugu deeqday weriyeyaasha Soomaaliyeed ee dhaawacmay

Abriil 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Xarunta Dooxa ee Xornimada Saxaafadda ayaa waxay $9000 oo ay isku daweeyaan si wada jir ah ugu deeqday lix weriye oo Soomaali ah oo ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee Masraxa qaranka ee Muqdisho lala beegsaday 4-tii April, Idaacadda RBC ee Soomaaliya ayaa arrintaa Isniintii (23-ka April) werisay.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa Jimcadii hore lacagta u qaybiyey Saciid Warsame (Shuuriyaako), Deeqo Maxamed Axmed, Axmed Cali Kaahiye, Xamdi Muxumad Xasan, Ayaan Cabdulle Guure iyo madaxweyne ku xigeenka NUSOJ Saleebaan Sheekh Ismaaciil.

Warsame oo isaga jirka o dhan uu dabku maray ayaa waxaa la siiyey $2000 si loogu caawiyo in daweyn loogu qaado dibedda Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim ayaa lacagta ku wareejiyey agaasimaha Royal International Television Cabdulqaadir Dulyar oo lacagta isaguna gacanta u gashay qoyska Warsame.

"Sida aad aragtaan… asxaabteenna laguma daweyn karo Soomaaliya, markaana anigoo ku hadlaya afka saxaafadda Soomaaliya, waxaan ururrada arrintani ay khusayso oo dhan iyo weliba hay’adaha dawladdaba ugu baaqayaa in ay caawiyaan weriyeyaashan Soomaaliyeed ee dhaawacan,” ayuu yiri Dulyar.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Sidee baa loo dhisi karaa dawlad-goboleedyada federaalka Soomaaliya iyadoo maanka lagu hayo khilaafka ka taagan Jubbaland?

Fiirso natiijada