Qaramada Midoobay oo Kenya ka codsatay in ay ballaariso xero qaxooti

Abriil 24, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Soo gelidda xoogga leh ee ay reer Suudaan xoogga u soo galeen xerada qaxootiga Kaakuma oo ku taal waqooyi-galbeed Kenya ayaa waxay culays saaraysaa dhulka iyo biyaha la heli karo, taa oo isku-dhacyo ka dhex abuuri karta dadka degaanka, sida ay qabto Hay’adda Qaxootiga u Qaabbilsan Qaramada Midoobay (UNHCR).

Madaxa UNHCR ee xafiiska Kakuma Guy Avognon ayaa ka digey in xeradu ay si degdeg ah u buuxsamayso waxaanu dawladda Kenya ku dhiirriggeliyey in ay qoondayso dhul lagu fidiyo xerada ama laga dhiso xero kale, Daily Nation-ta Kenya ayaa Isniintii (23-ka April) werisay.

Patrick Muriia, oo ah guddoomiyaha degmada ee Galbeedka Turkaana oo ah meesha ay xeradu ku taal, ayaa sheegay in ay xeradu qaabbilaysay ilaa 4,500 oo qaxooti cusub ah bil waliba. Wuxuu warfidiyeennada u sheegay in amniga hareraha xerada la kordhiyay si looga hortago isku-dhacyo dhexmara dadka deegaanka ah ama dhexmara qaxootiga

In ka badan 80,000 oo qaxooti reer Suudaan, Itoobiya, iyo Soomaaliya ah ayaa ku nool xerada Kaakuma, sida ay sheegtay UNHCR-tu.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada