Abriil 23, 2012
Oradyahannada reer Kenya ee Mary Keitany iyo Wilson Kipsang ayaa Axaddii (22-ka April) Maaratoonka London kala hoyday billado sare.
Keitany ayaa maaratoonka ku guulaysatay sannadkii labaad ee isku xiga iyadoo ku oroday 2 saacadood 18 daqiiqo iyo 36 ilbiriqsi, halka uu Kipsang ku dhameeyey 2 saac 4 daqiiqo iyo 44 ilbiriqsi taasoo 4 ilbiriqsi uun keliya ka hoosaysay jabinta rikoorka Maaratoonka London.
Ragga orodyahannada ah ee reer Kenya ayaa ku guuleystay horyaallada 2011 iyo kuwa shanta magaalo ee caalamka ee waaweyn: New York, Boston, Chicago, London iyo Berlin, sanadkanna waxaay mar hore guulo ka soo hooyeen London iyo Berlin. Gabdhaha Kenya ayaa ku guulaystay horyaalladii adduunka ee 2011 iyo maaratoonnada saddex magaalo oo waaweyn. Sanadkan, haweenka Kenya waxay mar hore la dhaqaaqeen guulaha saddexda boos ee ugu sarraysa ee maaratoonnada London iyo Boston.
Waxaa aan weli la xaqiijinin in ay labada ordaa weli heleen boos ay ka galaan kooxda Olombigga ee Kenya ee aadaya cayaaraha xagaaga ee London. Kooxda Olombigga Kenya u aadaysa waxaa la shaacin doonaa 30-ka April.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo