Maxkamadda Sare ee Kenya oo ridday xukun oggolaanaya in galaangal loo helo dawooyinka jeneerigga ah

Abriil 22, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa Jimacadii (20-ka April) xukuntay in qeexitaanka “ la dagaallanka been-abuur-ka” ee ku jiray Sharcigii La dagaallanka been-abuurka ee 2008-da uu ahaa mid waxyaabo aad u badan daboolaya isla markaana uu hor joogsan karo galaangalka dawooyinka jeneerigga.

"Sharcigu waa mid uu mugdi ku jiro waxaanu minjo-xaabin karayaa galaangalka loo leeyahay dawooyinka jeneerigga ah ee ay dadku iibsigooda awoodi karaan, maadaama uu sharcigu ka baaqsaday in uu kala saaro dawooyinka been-abuurka ah iyo kuwa jeneerigga ah,” ayuu xukminta ku yiri Xaakim Mumbi Ngugi

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa baarlamaanka Kenya ugu baaqday in ay sharciga dib u qoraan si looga hortago la wareegidda dawooyinka jeneerigga ah iyadoo lagu marmarsiyoonayo la dagaallanka dawooyinka been-abuurka ah. Xukunka ayaa wuxuu sidoo kale tibaaxay in hantida xuquuqda maskaxeed aanay ka saa’id calayn karin xuquuqda nolosha iyo caafimaadka.

Dhamaadkii sannadkii hore, 1.6 milyan oo reer Kenya ah ayaa la noolaa HIV, sida ay qabto UNAIDS, oo ah Barnaamijka Wadajirka Qaramada Midoobay ee qaabilsan HIV/ AIDS. In lagu qiyaasay 743,000 reer Kenya ah ayaa xaq u leh daweyn dhinaca fayruuska keena cudurkaa ee “retroviral”, iyadoo 539,000 ay haatanba qaataan.

"Aqlabiyad ballaaran oo dadka reer Kenya ah ayuu si ay u sii noolaadaan ugu tiirsan dawooyinka jeneerigga ah ee tayada leh,” ayuu yiri Madaxa Agaasinka UNAIDS, Michel Sidibé. Wuxuuna yiri "Go’aankani wuxuu hormuud lagu hirto u noqonayaa xaqiijinta in galaangal loo helo dawooyinka nafta lagu bedbaadiyo.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada