Abriil 22, 2012
Weerarrada burcad-badeeddu ay ku gulaysatay ayaa ku sii yaraanayey Badweynta Hindiya rubucii hore ee sanadkan 2012, waxaanay ka sii yaraanayeen sidii ay ahaayeen waqtigan oo kale sanadkii hore, sida lagu qoray warbixin ay soo saareen Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ee Soomaaliya (EU NAVFOR).
Warbixinta ayaa tirisay 27 weerar oo ay burcad-badeeddu qaadday intii u dhexaysay January iyo April, taa oo la barbar-dhigay 91 ay qaadday sannadkii hore. Guusha burcad-badeedda ayaa 14% hoos ugu dhacay rubucii ugu horreeyey sannadkii hore, marka la barbardhigo 27% oo uu ahaa xaddiga gulshooda waqtigan oo kale 2010-kii iyo 28% 2009-kii.
Hoos u dhicidda hawlaha burcad-badeednimada ayaa waxaa u sabab ah korodhka ilaalo hubaysan oo saaran maraakiibta ganacsiga, joogidda ciidamo badda oo shisheeye oo jooga marin badeedka maraakiibta iyo shirkadaha maraakiibta rarta oo dareen fiican haatan u yeeshay maaraynta ugu waxqabad wanaagsan, sida uu qabo sarkaalka saxaafadda ee EU NAVFOR Timo M. Lange.
Si loo bajiyo burcad-badeednimada iyo dhaca hubaysan, ayay EU NAVFOR waxay galbisay 150 markab oo WFP u rarraa iyo 126 markab oo u rarraa AMISOM. Weli, waxaa gacanta burcad-badeedka ku jira sagaal markab iyo 242 la hayste.
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
Bilayska Tansaaniya ayaa koox khaas ah u diray Arusha Axaddii (16-kii June) si ay baaritaan ugu s...
Wafdi ka socda Yemen ayaa fasixii todobaadkan booqday Jabuuti si uu u soo saxiixo heshiisyo xirii...
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa booqday Jabuuti Sabtidii ...
Toban qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Jowhar Sabtidii (15-kii June) kadib dagaallo ay ku lu...
Hay'adaha la-dagaallanka musuqmaasuqa Kenya ayaa u midoobay si ay u sameeyaan xarun kaliya oo lag...
Ugu yaraan saddex qof ayaa looga cabsi qabaa in ay dhinteen 20 kalena uu gaaray dhaawac halis ah ...
Shan iyo toban dal iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka qayb-galay shir khuseeya kacs...
Weerar loo adeegsaday walxaha qarxa ee la macmalay oo ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shab...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo