Kikwete ayaa shirwayne caalami ah ka ammaanay furfurnaanta

Abriil 19, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Furfurnaanta waa qayb ka mid ah siyaasadda horumarka ee dawladda Tansaaniya, ayuu yiri Madaxweyne Jakaya Kikwete isagoo weedh-duluceed ka jeedinayey fagaaraha Shirkannimada Furfurnaanta Dawladeed oo Talaadadii (18-ka April) ka dhacayey dalka Brazil.

"Baarlamaanka oo ah ilaaliye ayaa si habboon u shaqaynayey iyadoo aanay wax faraggelin ah uga imanayn fulinta ama garsoorka,” ayuu yiri Kikwete. “Dhammaan kulamada waxaa laga sii daayaa telefishanka, dadka reer Tansaaniyana waxay indhahooda ku arkaan wakiilladoodii oo su’aalo dhiibanaya jawaabona helaya."

Baarlamaanku waxa kale oo uu si dhaw ula socdaa miisaniyadda iyo sida ay wax u kharaj-garayso dawladdu, ayuu yiri Kikwete. Wuxuu sidoo kale ammaanay doorka saxaafadda, isagoo yiri waxay dawladda ku caawisay dardar-gelinta furfurnaanta iyo u adeegidda danaha bulshada.

OGP waa barnaamij caalami ah oo la sameeyey September si loo dardar-geliyo furfurnaanta dawliga ah, loolana dagaallamo musuqa, lagulana xaajaysto muwaaddiniinta iyadoo wada hadallo lala yeelanayo. Tansaaniya waa mid ka mid ah lix dal oo Afrika ku yaal oo buuxiyey shuruudaha ka qayb-qaadashada barnaamijka, Daily News-ta Tansaaniya ayaa werisay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad