Abriil 19, 2012
Shirwaynihii dartuurka Puntland ayaa Arbacadii (18-ka April) soo gebaggaboobay iyagoo ay ergooyinku u codeeyeen in la qaato dastuurka la soo jeediyey.
"Codka aqlabiyadda ah ayaa ansixiyey dastuurka Puntland, sidaa ayaanan ku sixiixayaa dikumiintigan,” ayuu yiri Maxamed Xasan Barre, oo ah guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland. 472 ka mid ah 480-kii wakiil ayaa u codaysay in la ansixiyo dastuurka qabyada ah, Garowe Online-ta Soomaaliya ayaa werisay.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dawladda Ku-meel Gaarka ah, Cabdiwahaab Ugaas Khaliif ayaa ansixinta shirwaynuhu uu ansixiyey dastuurka ku tilmaamay in ay tahay “fursad taariikhi ah.”
Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa shirwaynaha xiray isagoo dawlad-goboleedka ku amaanay hannaankeeda dimuqraaddiga ah. “Waxaan si kalsooni leh u oran karaa Puntland waa ay ka baxday waqtigii ku meel-gaarnimada ahaa ee aannu ku jirray muddada 14-ka sanadood ah, waxaannuna u gudubnay dawlad dimuqraaddi ah, taas oo ah tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah,” ayuu yiri. “Waxaan halkan ka caddaynayaa in ay Puntland u tallaabsatay jihada xisbiyada siyaasadeed iyo doorashooyinka xorta ah.”
Faroole ayaa Soomaaalida deggan gobollada kale ugu baaqay in ay raacaan tusaalaha Puntland ee is-maamulidda iyadoo lagu hoos jiro Soomaaliya oo federaal ah. Sharciyadda Dawladda Federaalka Ku-meel Gaarka ah ayaa ku eg August, iyadoo la rajeynayo in dastuur cusub la ansixin doono markaa iyada ah.
Dastuurkan Puntland waa in ay ansixisaa Maxkamadda Sare ee Puntland inta aan si rasmi ah loo qaadan.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo