2 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay Garbaharrey

Abriil 16, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay Axaddii (15-ka April) shanna way ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay suuqa magaalada Garbaharrey ee gobolka Gedo, Idaacadda Bar-Kulan ee ay QM maalgeliso ayaa werisay.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunna wal Jamaaca (ASWJ) oo lagu magacaabo Maxamed Xuseen al-Qaadi ayaa sheegay in malleeyshiyada dawladda raacsani ay baarayaan arrinta meesha ka dhacday, isagoo balllan qaaday in ay kuwii dembiga geystay maxkamadda soo horjoojin doonaan.

Ma jirto koox mas’uuliyadda arrinta sheegatay, laakiin Maxamuud Sayid Aadam oo ah xildhiban ku sugan Garbaharrey ayaa aaminsan in ay tani ahayd hawl ay ururka al-Qaacida la xulufada ah ee al-Shabaab ka dambeeyaan, wakaaladda wararka SONNA ayaa werisay.

Al-Shabaab ayaa bishii hore magaalada ku qaadday dagaal kedis ah, iyagoo ku diley labo sarkaal oo milliteriga ah dhawr kalena ku dhaawacay.

Miinooyinka sheedda laga maamulo ayay u badan tahay in ay sababeen qaraxyadan iyo saddex weerar oo kale oo Axaddii dhacay, SONNA ayaa werisay, intaana waxay ku dartay in Dawladda Federaalka Ku-meel Gaarka ihi ay hayso ugu yaraan 20 tuhmane oo qaraxyada loo qab-qabtay.

Garbaharey ayaa ah meel ay xoog ku leeyihiin ciidamada Itoobiya oo taageeraya kuwa dawladda Soomaaliya iyo ASWJ. Magaalada ayaa waxaa gacanta ku hayey ciidamada Itoobiya muddo hal sano ku dhaw.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 2)

Dislike_icon(1)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Kisagase
    April 20, 2012 @ 10:40:49PM

    Tiro badan oo dad ah ayaa shahiiday ilaa maalintii ay argagixisadu dalka soo caga dhigatay. Dadka soomaaliyeed aad ayay kooxaha argagixisada ah ugu dhibtoodeen, oo dad badana ayaa inamadoodii la kaxaystay. Rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, intaba way saameeyeen. Dad kaloo badanina waxay ku naafoobeen argagixisada awgeed, run ahaantiina kooxaha argagixisadu cidna umay aabo yeelin. Dadka naafoobay waxay halkaa ku waayeen inay nolol buuxda oo bad qabta ku noolaadaan, wax dambi ah oo ay arrinkaa ku mutaysteena ma jiro, aan ka ahayn kaliyaata inay ahaayeen dad masaakiin ah oo shaqa doona, oo iyagoo suuqyada caruurtooda quud uga raadinaya ay la kulmeen qaraxyada argagixisada ah. Argagixisadu waxay agoomaysay caruur badan oo hooyooyinkood iyo aabayaashood ku waayay qaraxyada ay argagixisadu la beegsato meelaha dadka rayidka ahi joogaan. Tolow miyaanay kooxahani ka fikirin sideebay carruurtani u noolaan karaan bilaa waalid, se miyaanay ka fikirin maxay galabsadeen waalidkani ee ay ku mutaysteen in ay qudh baxaan oo bilaa sabab u dhintaan. Laakiin xaqiiqdu waxa weeyaan argagixisadu cidna dan iyo muraad kama laha, waxa kaliyaata ee ay danaynayaana waa burbur iyo dil, oo sidaasay iyaga ugu caano badisaa, caalamkuna wuu ogaaday haatan arrinkaas.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad