Abriil 11, 2012
Markabka dagaal ee Faransiiska ee la yiraahdo FS Marne ayaa noqday markabka cusub ee hoggaaminaya ciidamada badda ee Midowga Yurub (MY) ee jooga Soomaaliya, oo iyagu masuul ka ah in ay la dagaallamaan burcad-badeedda gobolka Geeska Afrika, Ciidanka Badda ee MY (EU NAVFOR) ayaa Isniintii (10-ka April) warmuriteed ku sheegay.
Marne ayaa talada kala wareegaya markabkii dagaal ee reer Isbeyn oo la oran jirey ESPS Patino, oo isagu afartii bilood ee la soo dhaafay ciidamada hoggaan u ahaa, iyadoo uu u talinayey Admiraal Dhexe Jorge Manso. Xafladdii kala warejinta oo ka dhacday Jabuuti ayuu Manso sheegay sida uu ugu hanweyn yahay kooxda EU NAVFOR “oo u soo shaqeeyey si maddaalennimo ah si ay u daba galaan oo una arbushaan kooxaha weerarrada burcad-baadeednimo ee hubaysan, oo iyagu ka qawlaysta biyaha ka baxsan Geeska Afrika” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.
Taliyaha hawsha la wareegaya, Admiraal Dhexe Jean-Baptiste Dupuis, ayaa sheegay in ay sharaf ahayd in laga hoos shaqeeyo bad-maaxayaasha iyo ciidamada badda ee Patino, “oo iyagu qabtay hawl aad u wanaagsan, yareeyeyna halista ka jirta xeebaha Soomaaliya.”
Hawlgalka EU NAVFOR ayaa billowday December, 2008-dii ka dib markii ay aad u korodhay burcad-badaynta ka jirta Biyo xeebeedka geeska Afrika, ilaa iyo berigaana, waxay EU NAVFOR sheegaysaa in maraakiibta MY aya samaynayeen gaaf-wareegyo burcad-badeedda lagala hortagayey oo ay muddadaana difaaceen 843,000 oo tan oo cunto ah oo loo waday dadka Soomaaliyeed.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo