Abriil 11, 2012
Madaxweyneha Kenya Mwai Kibaki ayaa Talaadadii (10-ka April) Sarreeye Gaas S. N. Karanya u magacaabay in uu noqdo taliye ku xigeenka hawlgallada ee ciidamada AMISOM, magacaabistaa oo sugi doonta in ay aqbalaan Golaha Midowga Afrika (MA), The Standard oo Kenya ka soo baxda ayaa werisay.
Dallicinta Kibaki ee Karanya ayaa timid ka dib markii ay Golaha Difaacu ku talo-bixiyeen in la magacaabo, waxayna u badan tahay in ay MA iyaguna aqbali doonaan magacaabidda toddobaadkan, ayay jariidaddu werisay.
Sidoo kale, Talaadadii waxa uu Kibaki manaasib sare u dallacsiiyey in ka badan darsin saraakiil ah. Sarreeye Guuto J. K. Rono waxaa laga dhigay Sarreeye Gaas waxaana loo magacaabay in uu noqdo sarkaalka guud ee u taliya Taliska Bari. Gaashaanle Sare J.L. Mrashui oo ahaa caawiye u dhaw Kibaki ayaa isagana waxaa loo dallacsiiyey sarreeye guuto waxaana loo magacaabay madaxda shaqaalaha ciidanka ah.
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
Iska-daba-wareegga badan ee xafiiseed iyo kati xumida ka jirta dekedda Daarusalaam ayaa ugu kacda...
Madaxda Maamul-goboleedka Puntland ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) u kulmay si ay u dhiirrio galiy...
Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa xiray in ka ba...
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa iskaashiga istaraatiijiyadeed kala sheekaystay G...
Madaxwynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ciidamada ammaanka iyo garsoorkuba waa in ay si rasmi ah uga qo...
Ra'iisul-wasaaraha Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga...
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo