Tirada geerida weerarkii masrixa Muqdisho oo gaartay lix

Abriil 09, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Labo dhibbane oo ka mid ah dadkii ay Arbacadii wax ku gaareen weerarradii is-qarxinta ee Masraxa Qaranka Muqdisho ayaa dhaawacyadii u geeriyooday dhammaadkii toddobaadka, taas oo lix ka dhigaysa tirada dadka geeriyooday, Garowe Online-ta Soomaaliya ayaa arrintaa Axaddii (8-dii April) werisay.

Xildhibaan Mawliid Macaani Maxamuud iyo Faysal Xaaji Cilmi oo ahaa la taliyaha raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee ku yaal Nairobi halkaa oo daweyn loo geeyey ka dib markii ay wax yar yiilleen cisbitaalka Madiina.

Axaddii ayuu Cali dhambaal tacsi ah u diray ehelladii dadka geeriyooday, isagoo weerarkana ku sheegay wax laga yaq-yaqsoodo, sida ay werisay wakaaladda wararku. “Faysal wuxuu ahaa nin u go’ay hagaajinta iyo sii wadidda dawladdan waxaanan rajeynayaa in Eebbe uu jannadii geyn doono,” ayaa lagu yiri oraahda.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa tacsi iyaguna u diray qoysaska jaallahooda geeriyooday ee Maxamuud, iyagoo sheegay in uu geesi ka baxay, RBC-da Soomaaliya ayaa werisay.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada