Abriil 06, 2012
Tansaaniya ayaa u diyaar-garoobaysa in ay wax ka qabato oo casriyayso waaxda biyaha ee Daaru Salaam, iyadoo ballaarinaysa qasabadaha biyaha ee haatan jira, dadka degganna siinaysa galaangal dheeraada oo ay biyaha u yeeshaan, The Guardian-ta Tansaaniya ayaa Jimcadii (6-da April) werisay.
Mashruuca ayaa degdeg uga billaaban doona matoorrada biyaha ee Ruvu-da Sare iyo tan Hoose, iyadoo mugga qasabadaha oo ahaa 1.2 inji haatan laga dhigayo laba inji, ayuu yiri Agaasime ku xigeenka Wasaaradda Biyaha, Joseph Kakunda. Tallabadan ayaa yaraynaysa gabaabsinnimada biyaha ee ay sababta u tahay kaabayaasha liita ee haatan jira, ayuu yiri.
"Kaabayaasha haatan ee biyaha waxaa la dhisay sannado badan ka hor oo uu markaa dadku yaraa laakiin haatan dadkii waa bateen iyadoo aan kaabayaashii la hagaajinin,” ayuu yiri Kakunda.
Jariidadda ayaa werisay in 48% dadka deggan caasimaddu ay galaangal u leeyihiin biyo nadiif ah oo nabdoon. Helitaanka biyuhu wuxuu gaaraa 88% dadka degan magaalooyinka waawyn ee 19 ka mid ah 30 ka gobol ee Tansaaniya, qaran ahaanna waxay biyuhu ugu yaraan gaaraan 58%.
Dawladda ayaa rajaynaysa in biyo yaraanta ka dhacda Daaru Salaam ay dhammaan doonto markii mashruuca kaabayaasha la dhamaystiro 2014-ka.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo