Abriil 05, 2012
Raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in weerarkii Masraxa Qaranka ee Arbacadii (4-ta April) aanu leexin doonin dedaallada ay dawladdu kula dagaallamayso al-Shabaab, Garowe Online-ta Soomaaliya ayaa werisay.
"Tani na bajin mayso, nagana lexin mayso jidkii aannu haynay,” ayuu Cali ka yiri shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay sacado ka dib qarixii dhacay, “Al-sshabaab waxaa soo wajahday guuldarro taa ayaana sabab u ah in ay u ciirsadaan tabaha diciifka ah oo yaqyaqsiga mudan sida kuwan oo kale.”
Ugu yaraan lix qof ayaa la diley 10-na waa la dhaawacay ka dib markii sida la sheegay ay gabar yari qarxisay suun miinooyin ah oo u xirraa, taa oo lala beegsanayey Cali iyo saraakiisha kale ee dawladda ee u dabbaaldegayey sanad-guuradii koowaad ee saldhigga telefishanka dawladda.
"Dad aan waxba galabsan ayaa lagu diley qaraxa dawladda FKMG ahina waxay samaynaysaa wax kasta oo ay ku hagaajinayso amniga si aanay u dhicin weerarrada caynkan oo kale ah,” ayuu yiri Cali, isagoo uga mahadceliyey saraakiisha amniga, ciidamada iyo bilayska sida ay ugu guulaysteen in ay ka hortagaan weerarro caynkaas oo aad u tiro badan oo Muqdisho ka dhici lahaa.
Ciidamada amniga ayaa caasimadda uga jira hegan buuxa, sida uu Arbacadii Idaacadda Shabeelle u sheegay ku xigeenka madaxa amniga gobolka Banaadir Warsame Maxamed Joodax.
Muqdisho ayaa waxaa halkeeyey werarro garnaylo ah iyo kuwo is-biimayn ah ila berigii ay bishii August kooxda al-Qaacida la xulufada ah ee xarakada al-Shabaab ay uga heleeleen saldhigyadii joogtada ahaa ee ay ku lahaayeen caasimadda, oo ay markaa u ciirsadeen taatikada goriillaynta.
Raysal wasaaraha ayaa tacsi u gudbiyey qoysaska dadkii qaraxa ku geeriyooday oo uu ku jiray guddoomiyihii Guddiga Olombikada Soomaliyeed Aadan Xaaji Yabaroow “Wiish” iyo guddoomiyihii Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya, Saciid Maxamed Nuur “Mugaanbe.”
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray in ka badan 90 qof kadibmaalin muddaaharaad qof ku dhintay uu ka d...
Kenya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee QM Khamiistii (23-kii May) in uu joojiyo dacawadda ay w...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay xaflad ka dhacday Muqdisho Khamiis...
Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee waddamada xubnaha ka ah Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa is...
Hoggaamiye bulsheedka Maxamed Omar Said ayaa Khamiistii (23-kii May) waxa lagu weeraray aashito h...
Maxakamad ku taal Puntland ayaa todoba qof ku xukuntay dil taas oo ay ku mutaysteen dilkii wadaad...
Hay'adda gargaarka caalamiga ah ee Global Partnership for Education (GPE) ayaa ku dhawaaqday deeq...
Hay'adda ilaalinta xuquqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu yeertay Kenya in ay ixtiraa...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa ballan-qaaday in Xeerka cusub ee Duur-joogta lagu ...
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo