Abriil 04, 2012
Gabar yar oo isa soo miidaamisay ayaa Arbacadii (4-ta April) isku qarxisay Muqdisho oo ay ka dhacaysay munaasabad ka socotay Masraxa Qaranka oo ay ka soo qayb-galeen Raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali iyo wasiirro kale.
Ugu yaraan lix qof ayaa dhintay 10-na waa ay dhaawacmeen markii ay inantu qarxisay walxaha qarxa oo ay dhexda ku soo xiratay, sida uu sheegay sarkaal AMISOM ka mid ahi.
Sida ay werisay AFP-du, dhibbanayaasha waxaa ka mid ah madaxweynihii Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Aaden Yabaroow Wiish iyo Guddoomiyihii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Saciid Maxamed Nuur.
Al-Shabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda werarka. Gabadha is-qarxisay ayaa lagu sheegay in ay ka yar tahay 16 sano, markii horena loo diidey in ay gasho masraxa, sida uu Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya u sheegay The Daily Telegraph oo ka soo baxda Ingiriiska.
Warfidiyeenno iyo saraakiil ayaa iyaguna la soo sheegay in ay geeriyoodeen, Idaacadda Kulmiye ee Soomaaliya ayaa werisay. Raysal wasaaraha iyo toddoba wasiir oo garbihiisa taagnaaba ma aanu soo gaarin wax dhaawac ah, sida ay sheegtay AFP-du.
Saraakiisha ayaa isugu yimid masraxa si ay ugu dabbaal-degaan sanad-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii saldhigga TV-ga qaranka Soomaaliyeed. Masraxa qaranka ayaa bishii ina dhaaftay dib loo furay ka dib markii uu xirraa in ka badan 20 sanadood.
Muqdisho ayaa waxaa halakeeyey weerarro garnaylo ah iyo kuwo is-miidaamin ah ilaa berigii bishii August uu ururka al-Qaacida la xulufada ah ee xarakada al-Shabaab ay isaga huleeleen fariisimihii joogtada ahaa ee ay ku lahaayeen caasimadda, iyagoo markaa dirirtooda u rogay taatikada ku-dhufoo ka-dhaqaaqda ah.
Qof is-miidaamiyey ayaa bishii hore diley ugu yaraan shan qof weerar lagu qaaday qasriga madaxtooyada, kaas oo isaguna ay al-Shabaabku sheegteen.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
alshabaab ilahaay gaalada u qabana maayo
ALSHABAAAB WAA WAXAAAN DIIN HAYSAN OO DOONAYSA INAY SIDIII HITLER WADAN KA QABSATO WAR HALAGA GAADHO ALSHABAAABTA WADANKA SOMALIA INTAANU SIIBU BURIN INTAYAREE KU HADHAY
Hadday kooxda alshabaab ay islaam yihiin sida ay ku andacoonayaan, waa inay ixtiraamaan Quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabiga (SCW)…. Waa in ay ixtiraamaan hooyooyinka iyo carruurta aan waxba galabsan iyo mujtamaca dhammaantii