Abriil 01, 2012
Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan kooxda al-Shabaab ayaa dagaalyahaniinta ku cambaareeyey dilka aan micnaha lahayn ee ay shacabka kula kacayaan iyo xulufaysigooda al-Qaacida, SONNA ayaa Axaddii (1-da April) werisay.
Aweys oo hoggaamiye hore ugu ahaa koxdii Xagjirka ahayd ee Islaamiyiinta Xisbul Islaam ayaa kox ku dhaw oo asxaabtiisa ah oo jooga Ceelasha Biyaha Sabtidii u sheegay in xulufaysiga al-Qaacida aanan la aqbali karayn, sidoo kalena wuxuu kooxda ku eedeeyey in ay sabab la’aan u qubayaan dhiig aan waxba galabsan.
Wuxuu sheegay in dadka degaanka ihi ay al-Shabab ka baqayaan collaaddaada arxan-darrada ah awgeed, taana ay minjo xaabisay himiladii kooxda, isagoo intaa ku daray in ay ahayd in ay koxdu qaadato tallaabooyin taxaddar ah oo ay uga ilaalinayso in dagaalladooda ay rayidku ku waxyeelloobaan.
Bishan, ayaa hoggaamiye al-Shabaab ka mid ahaa oo la yiraahdo Cumar Xammaami loona yaqaan Abuu Mansuur al-Amriiki, uu muujiyay sida uu uga biyo diidsan yahay kooxda asagoo farriin muuqaal ah internetka soo gashay faahfaahiyeyna in uuba naftiisa u baqayo.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo