Abriil 01, 2012
Dadka Soomaalida ah ayaa Sabtidii (31-ka March) ka qaxay goobtii ugu dambaysay meelaha ay al-Shabaab xoogga ku lahaayeen ee u dhaw magaalada Muqdisho, maalin ka dib markii ay ku dagaallameen dagaalyahaniinta al-Shabaab iyo ciidamada Dawladda FKMG ah oo ay caawinayaan ciidamada Midowga Afrika, dadka degaanka ah ayaa AFP-da u sheegay.
Qoysas Soomaaliyeed ayaa ka faa’iidaystay muddo yar oo dagaalku yara istaagay si ay uga tagaan degmada Dayniile oo u dhaw caasimadda Muqdisho, halkaa oo dagaal Jimcihii ka dhacay ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof, sida ay sheegtay Idaacadda Shabeelle. Dayniile ayaa waxa loo maraa jidka Afgooye oo ah waddo ku xirta Muqdisho gobolka Shabeellada Hoose.
Dhawrkii toddobaad ee la soo dhaafay, kumanaan qoys ayaa ka huleeshay Dayniile ka hor inta aanu qarxin dagaal la saadinayey oo ay weerarkiisa soo qaadayeen AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.
Taliye ka mid ah kuwa ciidamad DFKMG ah oo la yiraahdo Cabdullaahi Yare oo jooga bar koontarool oo ku taalla Afgooye ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa jidka Afgooye uu caadi ku soo noqday ka dib markii dagaallada socday awgood uu u xirraa in muddo ah, Shabeele ayaa werisay. Dadka deegaanka ah ayaa AFP u xaqiijiyey in jidku uu mar labaad furmay.
AMISOM ayaa Jimcadii sheegtay in ciidamada huwanta ahi ay al-Shabaab degmadaa ka qabsadeen.
"Hawlgalkii milliteri ee Dayniile waa lagu guuleytstay, haraadiga xulufadii al-Qaacidana waa la eryay,” ayuu yiri Taliyaha ciidamada DFKMG ah, Yuusuf Dhego-Badan oo la hadlayey warfidiyeennada. “ciidamadeennu waxay haatan fariisamo ka sameeysteen inta badan degmada xaaladduna waa ay deggan tahay.”
Al-Shabaab iyaguna guul ayay ka sheegteen dirirta.
Kooxda caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa sheegay in cisbitaalka Dayniile Jimcihii xabbado lagu furay, waxaanay ugu baaqeen kooxaha dagaallamaya in ay ixtiraamaan dhexdhexaadnimada cisbitaalka.
"Qaybta xaaladda degdegga ah iyo qayb ka mid ah saalada qalliinka ee cisbitaalka oo ay MSF gacanta ku haysay ilaa 2006-dii ayay duqayni ku dhacday waxaana halkaa ka dhashay burbur baaxad leh,” ayay war-murtiyeed ku tiri MSF.
Ma jirto cid ka mid ah dhakhaatiirta iyo bukaanka oo dhaawacmay. Dhammaan 19-kii bukaan iyo 48-dii shaqaale waxay magansadeen mid ka mida qaybaha isbitaalka iyagoo ka gabbanaya dagaallada, ayay sheegtay MSF.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo