Abriil 01, 2012
Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay 18-na way ku dhaawacmeen laba weerara loo lala beegsaday isu soo bax kaniisadeed oo ka jirey Mtwapa iyo makhaayad ku taalla Mombaasa Sabtidii (31-ka March) sida ay weriyeen Laanqaydha Cas ee Kenya iyo saraakiisha bilayska.
Bilayska ayaa sheegay in aalad qaraxda oo ay u badan tahay in ay bambaanada gacanta tahay lagu tuuray dad ku shirsanaa Mtwapa abbaaraha 8-dii fiidnimo. “Lix iyo toban qof ayaa dhaawacantay oo labo ka mid ihi ay yihiin dhaawac halis ah, midna waa uu dhintay,” ayuu Nelly Muluka, oo ah haweeney u hadashay Laanqaydha Cas ee Kenya AFP-da u sheegtay, iyadoo ku dartay in dadkii dhaawacmay ay cisbitaalka yaallaan.
Taliyaha bilayska ee gobolka xeebta, Aggrey Adoli ayaa AFP-da u sheegay in “garnayl kale lagu soo tuuray makhaayad ku taalla Mombaasa” daqiiqado ka dib, taas oo dhaawacday saddex qof oo uu midkood yahay sarkaal bilays ah. Mid ka mid dhibbanayaashaa ayaa weli ku jira cisbitaalka, ayuu yiri Muluka. Dadka deegaanka ah ayaa sheegay in ay makhaayaddu caan ku ahayd in lagu gado hilibka doofaarka.
Ma jirto cid markiiba sheegatay masuuliyadda weerarradii Sabtida, maamulkuna weli kama aanu faalloon cidda laga yaabo in ay ka dambayn karto.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Xitaa kaniisada dadka waa labaaraa si looga fogaado dhaawac.
Dhalinyarooy midaas waxay tusinaysaa in ciidankeena Kenya aysan sifiican wax u qabanaynin hadii kale waa in ay cashar ka qaataan qarixii hore ee kadhacay Gaarisa iyo Nayroobi QOFKA ISKU GOD LABA JEER LAGAMA QANIINO. Mohammed Noor degmada Isiolo