Madaxweynaha Soomaaliya oo taageero iyo tababar weydiistay hogaamiyayaasha Carabta

Maarso 30, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waydiistay hogaamiyayaasha ku sugan shir-madaxeedka Carabta ee Baqdaad ee furmay Khamiistii (29-ka March) in ay Soomaaliya u fudiyaan gargaar iyo taageero.

Axmed waxa kale oo uu waydiistay hoggaamiyayaasha Carabta in ay tababbaraan ciidamada ammaanka Soomaaliya si ay gacan uga gaystaan dib-u-soo celinta nabadda iyo xasilloonida dalka isla markaana ay u jabiyaan al-Shabaab, sidaana waxa ku waramay Idaacadda Shabeelle.

Hadal uu ka jeediyay gabagabadii shirka, ayuu Nabiil al-Carabi oo ah Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta waxa uu sheegay in ajandaha shirka uu ka koobnaa sagaal qodob oo la isku raacay, kuwaas oo uu ku jiray qodob faahfaahinaya dagaalka lagula jiro argaggixisada caalamiga ah, sidaana waxa wariyay Shabakadda Kulmiye ee Soomaaliya. Qodobbadu waxa ay sidoo kale ku baaqeen in heshiis si nabad-gelyo ah ku dhaca laga gaaro Suuriya iyo Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha Carabtu waxa ay Dawladda Federaalka Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ku taageereen tallaabooyinkeeda, ayuu yiri al-Carabi.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada