Kibaki oo wasiirrada cusub ku boorriyey in ay afkaaro cusub la yimaadaan

Maarso 29, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Kenya, Mwai kibaki ayaa Arbacadii (28-ka March) ugu baaqay wasiirrada cusub ee haatan la magacaabay in ay nolo cusub galiyaan xukuumadda oo keenaan afkaar cusub.

"Dhallinyaro hibo leh ayaad tihiin waxaannuna rajeynaynaa in aad qaranka ugu shaqaysaan jagooyinkaan cusub ee aad qabateen, dalkana aad xaalkiisa wax ka beddeshaan,” ayay Daily Nation ka soo xigatay Kibaki oo oranaya isagoo markaa jooga xafladdii dhaarinta oo ka dhacaysay Aqalka Madaxtooyada oo loo sameeyey wasiirrada shaqada billaabaya ee dalxiiska, caddaaladda iyo beledka Nairobi.

Wasiirrada ayaa la magacaabay ka dib markii Isniintii isku-shandhayn lagu sameeyey golaha wasiirrada.

Sida ay sheegtay jariidadda The Standars, Kibaki ayaa sheegay in ay Kenya gelayso xilli cusub oo koboc dhaqaale iyo dakhli badan oo la qaado, gaar ahaan iyadoo dhawaan kaydad saliid ah laga helay gobolka Turkana.

"Arrintani waxay horumar wanaagsan u tahay dalkeenna,” ayuu yiri Kibaki. “waxay wax ku kordhin doontaa dedaalladayada dhinaca horumarinta.”

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada

Macluumaad