Geelle oo Jabuuti ka furay tartanka cayaarta kubadda cagta ee gobollada

Maarso 28, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa furay tartanka kubbadsa cagta gobollada, oo ka dhacaya Dikhil Isniintii (26-ka March) kaasoo ay kasoo qayb-galayaan shan gobol oo dalka ah, La Nation-ta Jabuuti ayaa arrintaa werisay.

Madaxweynaha ayaa garoonka istaadiyamka Dikhil galay, isagoo calanka iyo calaamadda ololka ah ee midnimada ka qaatay labo dhallinyaro ah. Saraakiil dawladda ah iyo boqollaal dhallinyaro ah ayaa dhinacyada markaa ka riyaaqayey, ayay jariidaddu werisay.

Tani waa markii ugu horraysay oo tartan heer cayaaro gobol ah lagu qabto Jabuuti. Xoghayaha Qaranka ee Dhallinta iyo Isboortiga, Jaamac Cilmi Cokiye ayaa sheegay in munaasabadaha isboorti ay tahay in lagu qabto dalka oo dhan, oo aanay caasimadda uun ku koobnaanin.

Ka qaybgalka heer qaran looga wada qayb-qaato isboortiga kuma ekaan doono kubbadda cagta oo keliya, ayuu yiri Cokiye. "Waxaa jiri doona horyaallo kubbadda gacanta, kubbadda kolayga, iyo kubbadda laliska, iwm ah, markaana degmo kasta oo Jabuuti ku taal waxaa ka jiri doona horyaallo cayaarahaa kala duwan ah,” ayuu yiri wasiirku.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 1)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma haboontahay in la badalo dastuurka Kenya si aqalka Guurtida awood dheeraad ah loo siiyo?

Fiirso natiijada