Maarso 26, 2012
Hoggaamiyeyaal Soomaali ah ayaa Isniintii (26-ka March) isugu yimid Gaalkacyo si ay uga wada hadlaan dardar-galinta iyo fulinta qorshe hawleedka, doorashada baarlamaanka cusub, iyo qabyo-qoridda dastuurka cusub, Idaacadda Radio Bar-Kulan oo ay Qaramada Midoobay maal-geliso ayaa werisay.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden, iyo saraakiil ka ka socota Puntland Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka qaybgalaya shirka iyo weliba xubno ka mid ah beesha caalamka oo uu ka mid yahay ergayga QM, Augustine Mahiga, SONNA ayaa werisay.
Qorshe-hawleedka ayaa la sixiixay September 6-deedii 2011 waxaana kala sixiixday dawladda Soomaaliya iyo gobollada ismaamullada leh, waxaana uu heshiisku qeexayey qorsheyaal ku beegan dhamaashaha sharciyadda DFKMG ah, waxaanay sidoo kale heshiiska dhinacyadu wax iskala meel dhigeen ammaanka, dib-u-heeshiisiinta, iyo dib-u-habaynta baarlamaanka iyo dastuurkaba.
Madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ayaa la filayaa in ay booqdaan koofurta Gaalkacyo galabta Isniinta ah, halkaa oo la qorsheeynayo in ay wadahadallo kula yeeshaan Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Cabdinaasir Nuur Guuleed, Radio Bar-Kulan ayaa intaa weriyey.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo