Hay’adda cuntada u qaabbilsan QM oo kaalmo lacageed u codsatay Geeska Afrika

Maarso 25, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee QM (FAO) ayaa Jimcadii (23-kii March) sheegtay in ay degdeg ugu baahan tahay $50 milyan si ay u buuxiso kaalin maran oo dhinaca maaliyadda ah mashaariicda beeraha xili beerashada soo socota ee Geeska Afrika.

"Beesha caalamka waxaa ku waajib ah in ay sii waddo kaalmaynta qoysaska ugu liita… si ay u mareyaan jiilaal kale oo suuraggal ah,” ayuu yiri Agaasimaha gobol-hoosaadka FAO ee Bariga Afrika, Castro Camarada.

Lacagta waxaa loogu baahan yahay in la “fuliyo qorshe 90 beri ah oo beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada lagu siinayo habab ay ku hagaajiyaan noloshooda oo ay adkaysi ugu samaystaan kadiso kasta oo mustaqbalka ku yimaada,” ayaa lagu yiri oraah ay FAO soo saartay, iyadoo intaa ku dartay in khubarada FAO ay ka walaacsan yihiin in uu di'i doono roob ka yar kii caadiga ahaa xilli-roobeedka soo socda ee u dhexeeya April iyo June.

Sida ay qabto hay’adda cuntadu, in kasta oo xaaladdaha meelihii Geeska Afrika ee ay abaartu haleeshay ay sii hagaagayeen bilihii dhawaa, waxaa haddana jira dad lagu qiyaasay 8.1 milyan oo caawimaad u baahan. Hay’adda ayaa qiyaasaysa in 2.2 milyan oo reer Kenya ah, 3.2 milyan oo reer Itoobiya ah, 2.5 milyan Soomaali ah, 180,000 oo reer Jabuuti ahi in ay u baahan doonaan caawimaad.

"Hawlaha degdegga ah ee qorshaysan in gobolka laga qabto waxaa ka mid ah qaybinta abuurka dalagga iyo khudaarta, caawinta fulinta warabyo heerar hoose ah iyo samaynta mashaariic shaqo-lacag-ku-beddelesho ah si loo so celiyo kaabayaashii beeraha ee muhiimka ahaa,” ayay tiri oraahdu.

Agaasimaha Guud ee FAO, José Graziano da Silva, oo bishii hore booqday Soomaaliya ayaa yiri, “Kama fursan karayno abaaraha, balse waxaannu qaadi karraa tallaabooyin aannu ugu talaggalayno in looga ilaaliyo in ay noqdaan macaluul.”

FAO ayaa sheegtay in ay heshay wax ka yar bar caawimaaddii ay 2012-kii codsatay ah, taas oo bannaynaysa kaalin maran oo $194 milyan ah, oo $50 milyan oo ka mid ah degdeg loogu baahan yahay 90 ka beri oo soo socota.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Dhacdooyinkii ammaan ee dhawaan ka kala dhacay Mombasa iyo Nairobi sida ay u badan tahay waxay ka dhasheen:

Fiirso natiijada