Maarso 25, 2012
Ciidamada Itoobiya ayaa Sabtidii (24-ka March) galay magaalada Dhusamarreeb iyagoo u diyaar-garoobaya in ay weeraraan meesha ay al-Shabaab xoogga ku leeyihiin ee Ceel-Buur, AFP ayaa werisay.
"Bartilmaameedkoodu haatan wuxuu u muuqdaa in uu yahay degmada Ceel-buur oo ah saldhigga ugu weyn ee al-Shabaab” ay ku leeyihiin bartamaha Soomaaliya, ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah oday tuulo oo jooga Dhuusamarreeb, oo ciidamada huwanta ah ee dawladda laga qabsaday dibna ay u qabsadeen Talaadadii.
Taliye al-Shabaab ah oo la yiraahdo Sheekh Aaden Farey ayaa sheegay in ay ciidamadiisu diyaar u yihiin in ay foodda geliyaan kuwa Itoobiya. “Wax kasta ha ahaado qorshohooduye, waannu jebin doonnaa,” ayuu ku yiri AFP-da.
Axaddii ayaa waxay SONNA werisay in madax sare oo al-Shabaab ah iyo ciidamadoodu ay iyagoo kolonyo ah ka huleelayeen magaalada.
Ciidamada Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya ayaa ilaa November 2011-kii labo magaalo oo muhiim ah oo koofurta Soomaaliya ku yaalla waa Baydhabo iyo Xuddure, ka qabsaday al-Shabaab. Dhaqdhaqaaqa al-Qaacida la bahda ah ayaa waxa wajahaya cadaadis dheeraad ah oo uga imanaya ciidamada gobolka, iyadoo ay kuwa Kenya ka imanayaan koofurta durugsan, kuwa Midowga Afrikana ay kula dagaallamayaan Muqdisho.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo