Madaxda Midowg Yurub oo maraakiibteeda dagaal u oggolaatay in ay duqeeyaan agabka burcad-badeedda ee yaal berriga

Maarso 23, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Midowga Yurub ayaa Jimcadii (23-ka March) ansixiyey hindise u oggolaanaya maraakiibtoodu in ay toogtaan qalabka burcad-badeedda ee yaalla xeebaha Soomaaliya, oo isla markaana waqtiga u kordhiyey hawlgalka lidka burcad-badeedka oo gaarsiiyey ilaa December 2014, AFP ayaa werisay.

Baaxadda la kordhiyey ee hawlgalka Midowga Yurub ee Geeska Afrika ayaa u ogolaanaya qalabka milliteri ee Midowga Yurub in ay toogtaan baabbuurta xamuulka ah, sahayda, doomaha iyo shidaalka lagu kaydiyo xeebta.

Hawlgalka Midowga Yurub oo loo yaqaan “Operation Atlanta” ayaa wuxuu xeebaha Soomaaliya geeyey inta u dhexaysa shan ilaa 10 markab ilaa 2008-dii si ay u galbiyaan shixnadaha gargaarka bani’aadamnimo, isla markaana ay u fashiliyaan weerarrada burcad-badeeddu ay ku qaadayeen maraakiibta ganacsi ee ku gooshta marin-badeedyadaa muhiimka ah, sida ay sheegtay AFP-du.

Wasiirrada arrimaha dibedda ayaa isku raacay in ay kordhiyaan “aagagga ay ciidamadu ka hawlgelayaan oo ay ku daraan dhulalka xeebta ah ee Soomaaliya iyo weliba dhul-biyeedka hoose ee Soomaaliya,” ayay MY ku yiraahdeen warmurtiyeed.

"Burcad-badeednimada aya dhibaatooyin badan u keentay dadka Soomaalida ah iyo naakhuudayaasha iyo shaqaalaha saaran maraakiibta aaggan maraysa, waana sax in aannu sii wadno dedalladeenna,” ayuu yiri Admiraal Duncan Potts, oo ah Taliyaha Hawlgelinta Atlanta.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in aan la geyn doonin ciidamo dhulka ah aagaggaa oo gantaalo uun laga gani doono badda dhexdeeda.

"Midowga Yurub ayaa qorshaynaysa in ay oggolaato in ay beegsadaan xarumo berriga ku yaal markii maraakiibta badda maraysa la weeraro,” ayuu weriyeyaasha ku yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Isbayn Jose Manuel Garcia-Margallo, isagoo intaa ku daray in “taxaddar badan” la samayn doono si looga baaqsado geeri dad rayid ah.

Muxuu kula yahay qoraalkan? (Codadka oo dhan 0)

Dislike_icon(0)

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Ma u malaynaysaa in mamnuuca ay Tansaaniya saartay hadalka nacaybka diimaha huriya uu joojinayo weerarrada lala beegsado kaniisadaha iyo masaajidda?

Fiirso natiijada