Maarso 23, 2012
Dagaalyahan al-Shabaab ah ayaa isu soo dhiibay madaxda Puntland, isagoo weliba cambaareeyey kooxda mayalka adag, Garowe Online-ta Soomaaliya ayaa Khamiistii (22-ka March) werisay.
Cabdirashiid Xasan Maxamed ayaa dhaqaalaha u hayey Malleeshiyada Buuraha Golis oo bishii ina dhaaftay shaacisay in ay ku biirtay al-Shabaab.
Madaxda ayaa soo dhaweysay fakashada Maxamed, sida uu isagoo shir jaraa’id ka hadlaya sheegay Wasiir ku Xigeenka Amniga ee Puntland, Cabdijamaal Cusmaan Maxamed. Wasiir ku Xigeenka ayaa ku ceshay ballantii uu qaaday Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isagu hore u yiri in la cafin doono xubin kasta oo al-Shabaab ah oo isa soo dhiibta. Dawladda Federaalka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya ayaa iyaduna qaadday ballan middaan la mid ah bishii ina dhaaftay.
Maxamed ayaa warfidiyeennada u sheegay in uu al-Shabaab ka tegay ka dib markii uu aqoonsaday in ay leeyihiin dano qarsoon, Garowe ayaa werisay. Wuxuu xubnaha kale ugu baaqay in ay ka soo baxsadaan kooxda al-Qaacida la xulafada ah oo ay isa soo dhiibaan.
Xildhibaano Soomaali ah ayaa ka noqday mooshin ay ku codsadeen in ra'iisul-wasaaraha iyo xukuumad...
Xildhibaanada mucaaradka ah ee barlamaanka ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay cabburisay xoriyadda...
Saami dhinaca DNA-a ah oo laga qaaday caday ku jiray boorso wayn oo ay rasaasi ku jirtay lagana h...
Todoba iyo toban Kenyan ah ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen nabaddii, rabshado iyo in ay si arxa...
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda in Isniintii (20-kii Maajo) ay madaafiic hoobiyayaal ah k...
Askar ka tirsan guutada Koox-dagaaleedka 9+ ayaa ku noqonaya dhulkoodii kadib 13 bilood oo ay ka ...
Ciidanka Bilayska Kenya ayaa bisha soo socota bilaabi doona xulid buuxda oo lagu kala sameeyo sar...
Isku day dhac oo la fashiliyay oo ka dhacay xafiis ammaan oo uu Wells Fargo ku leeyahay Mombasa a...
Madaxweynaha Ghana John Dramani Mahama ayaa ballan-qaaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan xillig...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Soomaaliya oo nabad heshaa waxay ka dhigantahay nabad ay helaan dalalka Kenya, Suudaan, Itoobiya, Eritariya iyo dhamaan dalalka afrikaanka ah, ugu dambayntana caalamka oo dhan ayay nabad u tahay.
Waa ay wanaagsan tahay in tallaabooyin noocaas ah ay hadda soo baxaan. Soomaaliya waa in nabad iyo degenaasho ka jirtaa, ayadoo la fahansiinaya maleeshiyada, " In dagaal uusan hormarinaynin xataa hal iinji oo waddankaasi ah" balse uu u burburinaayo heerka ugu sareeya oo sababi kara in dadka ay dhibaato ku dhacdo. Al-shabaab baraaruga