AMISOM oo dhaleecaysay “ol-olaha cabsi-gelinta ah” ee al-Shabaab

Maarso 22, 2012

  • 3 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Taliyaha ciidamada AMISOM ee shaqada ka sii tegaya Jeneraal Fred Mugisha ayaa dhalleeceeyey weerarradii dhawaa ee ay al-Shabaab Muqdisho la beegsanaysay, Soomaalidana u xaqiijiyay in ay soo hagaagayso nabadgelyadoodu.

"Weerarradaani waxay qayb ka yihiin ol-ole lagu dooonayo in cabsi lagu beero oo dadka la bajiyo,” ayuu ku yiri warbixin la soo saaray Khamiistii (22-ka March). “Dhamaan Soomaalidu waa in ay si wadajir ah uga hortagtaa cadawgan nabadda ka soo horjeeda. Waxaannu idinku dhiirri-gelinaynaa in aad bannaanka soo istaagtaan oo aad noo soo sheegtaan wixii war ah oo aad ka haysaan qaraxyo iyo weerarro nagu soo fool leh. Waxaannu idin garab taagnaanaynaa inta aad ku raad-joogtaan dhismaha hab nololeed kan ka wanaagsan.”

Al-Shabaab ayaa rayidka uga digtay in ay ka fogaadaan dhismayaasha ay beegsan doonaan oo ah kuwa dawladda iyo xeryaha AMISOM, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa Arbacadii werisay.

"Waxaannu farriin digniin ah u diraynaa dhamaan Soomaalidu in aysan u dhawaanin meelaha ay deggan tahay DFKMG ah iyo xeryaha AMISOM si aad uga fogaataan khasaarooyin nafeed oo ay sababeen weerarro dhiigaysan oo aannu soo wadno,” ayuu yiri Sheekh Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka al-Shabaab.

Mugisha wuxuu sheegay in kooxdan al-Qaacida la jaalka ahi aanay wax dan ah ka lahayn wanaagga iyo bed-qebidda dadka rayidka ah. “Haddii ay doonayaan in ay hagaajiyaan xaaladda dadka, ma aanay weerari lahayn dad rayid ah oo aan hubaysnayn,” ayuu yiri.

Ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Soomaaliya ayaa wadashaqayn fiican la lahaa dadka rayidka ah si ay uga war-helaan oo u baajiyaan in ka badan 70% oo ka mid ah qaraxyada macmalan ee magaalada lagu aasay, sida ay sheegtay AMISOM.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Fu'aad Axmed
    March 24, 2012 @ 11:38:45PM

    Al-shabaab waa khatarta ugu wayn ee Soomaaliya ka jirta, marka wax laga soo qaado in ay qaateen afkaarta xag-jirta ee al-Qaacida. Xalka kaliya ee lagu xallin karo mushkilada Soomaaliya wuxu ku jiraa in la kordhiyo hawlgallada millatari, si loo tir tiro kooxda alshabaab iyo kooxaha kalee ka midka ah. Taa bedelkeedu waxa weeyaan in kooxahan argagixisada ah wada hadal lala galo. Arrinka ay tahay inaynu ogaano waxa weeyaan in geedi-socodka nabadayntu inuu wakhti qaadan karo, laakiin ugu dambayntii waa lagaadhi karaa in Soomaaliya la nabadeeyo.

  • isaac koech
    March 23, 2012 @ 05:20:55AM

    Al-shabaab kuma dhacaan in ay ka guuleystaan AMISOM

  • Surayya
    March 22, 2012 @ 10:51:46PM

    Al-shabaab waxay sameeynayaan dadaal kasta si ay u dhibaateeyaan dhalinyada iyo si ay u siiyaan hub ayna u tababaraan si ay ugu biiraan kooxdooda ayagoo wali aad u yar mararka qaarkood waxay u isticmaalaan xoog, maadaama aan ognahay in arrimaha Soomaaliay ay ka fogyihiin kuwo wax laga qaban karo, nasiib-darrana, waxaa jira goobo baddan iyo tuulooyin badan oo ay ka taliyaan Al-shabaab oo ay wali ka sii wadaan sharci-darro iyo dulminta dadka saboolka ah iyo kuwa aanan haysan wax ay cunaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada