Maarso 21, 2012
Ciidanka amniga Soomaaliyeed ayaa Arbacadii (21-ka March) hor joogsaday gaari isku qarxin lahaa jidka isku xira xarunta madaxtooyada iyo isgoyska Lambar 4 ee Muqdisho ku yaalla, Raadiyo RBC-ga Soomaaliya ayaa weriyey.
"Saaka ayay bilaysku heleen xog u sahashay in ay qabtaan gaari yar oo ay ka buuxaan qalabyada macmalan ee la qarxiyo,” ayuu yiri Laba Alifle Maxamed Maxamuud Garaar oo ku sugan saldhigga Lambar 4. Wuxuu sheegay in afar tuhmane loo qabtay dhacdadaa.
Bambaanadii macmallayd ee gaariga ku xirrayd ayaa qaraxday ka dib markii ay bilaysku isku gadaameen oo xireen waddada gaadiidka badan ee Maka Al-mukarrama oo gasha qasriga madaxtooyada una jirta hilaadda laba KM, ka dib markii ay ka shakiyeen gaariga laga tegay, AFP ayaa werisay.
"Sarkaal dhinaca amniga ah oo isagu xiray jidka si uu gaariga u eego ayaa dhaawacmay,” ayuu yiri Cabdiweli Saciid, oo ah sarkaal bilayska ah.
"Waxaa wax gaareen hasl qof oo keliya waayo jidadka oo dhan ayay xiren ciidamada nabadgelyadu,” ayuu yiri Cali Muxyaddiin oo goob-jooge ahaa oo la hadlay AFP-da.
Kooxina markiiba ma sheegan masuuliyadda qaraxa. Axmed Mayre Makaraan, Guddoomiyaha Degmada Waaberi ayaase ku eedeeyey arrintan al-Shabaab.
"Waxaan halkan mahad uga muujinayaa ciidamada nabadgelyada iyo sida ay naftooda ugu sadqeeyeen dalkooda iyo dadkooda,” ayuu Makaraan ku yiri warfidiyeennada.
Gaarigan qarxay aya ahaa kii ugu dambeeyey oo silsilado weeraro ah oo lagu qaadayey meelo aad ugu dhaw qasriga madaxtooyada, oo loo yaqaan Villa Soomaaliya, taas oo keentay in la kordhiyo tallaabooyinka amniga lagu sugayo. Isniintii, al-Shabaab ayaa weerar hoobiye ah qaadday kuna dishay lix rayid ah. Toddobaadkii hore, ayuu nin is-miidaamiyey isku qarxiyey aaggaa isagoo diley ugu yaraan saddex qof.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Kooxda Al-shabaab waa koox argagaxisa oo fulisa fikradaha Al-qaacidda waxayna u dhaqmaan isla sida ay Al-qaacidda u dhaqanto, isku si ayayan argagaxiso iyo nidaamdiid u yihiin, Sidaas awgeed kooxdan Al-shabaab waxay u keentay dhibaatooyin badan dalka Soomaaliya oo ah waddan masaakiin ah, intii ay Soomaaliya ku caawin la haayeen sidii loogu soo dabaali lahaa xasillooni iyo intii ay si habboon ugu shaqeyn lahaayeen in la suuliyo saboolnimada, waxay abuurayaan dhibaatooyin badan, dadka waxaa gaajada iyo saboolnimada u sii dheer in lagu dilo meelaha ay ayaga ka taliyaan.