Maarso 20, 2012
Midowga Yurub ayaa kordhinaya taageeradooda bani’aadannimo, siyaasadeed, iyo horumarineed ee Soomaaliya, sidaa waxaa waraysi la daabacay Isniintii (19-ka March) Idaacadda Radio RBC ugu sheegay Wakiilkooda Khaaska ah ee Geeska Afrika, Alex Rondos
Rondos ayaa Axaddii la kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali si ay uga wada hadlaan xaaladda nabadgelyada. “Waxaan is leeyahay waxaad aragteen in xaaladda nabadgelyo ee Muqdisho gudaheeda iyo bannaankeedaba ay isa sii beddelayso, oo ay meelo badan ay nabad sii noqonayaan,” ayuu yiri Rondos.
Wuxuu sheegay in uu arko horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo sida ay Soomaaliya ugu socoto in ay midowdo ka dib markii uu dhamaado Waqtiga Sharcinnimada ee Dawladda Federaalka KMG ah oo ku aaddan August. Waxa kale oo uu sheegay in Midowga Yurub uu khaas ahaan uga walaacsan yahay heerka nololeed ee dadka gudaha dalka ku barakacay, iyo sida lagu heli karo dariiqo ay Soomaalidii dibadaha u baxday dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.
Midowga Yurub ayaa Soomaaliya ugu deeqay in ka badan 1 bilyan oo yuuro, doonayana in uu “dhiirriggeliyo wax kasta oo hab dawladeed ay Soomaalida oo dhan aaminsan yihiin meeshan ka samaynaya,” ayuu yiri Rondos.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo