Maarso 20, 2012
Afhayeenka Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa oggolaaday in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha ee gobolka is-maamulka leh ee Puntland oo laga dhigo 2014-ka, taas oo si caadi ah u kordhinaysa xilliga uu talinayo Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Raadiyaha RBC ee Soomaaliya ka soo baxa ayaa Isniintii (19-ka March) weriyey.
Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu Axaddii qabtay ayuu Xirsi daliishaday dastuurka qabyada ah ee Puntland, oo waqtiga talinta dawladdda ka dhigaya shan sano. Faroole ayaa haatan xafiiska sii joogaya hal sano oo kale ka dib markii uu waqtigiisu dhaco January, 2013-ka ayuu yiri.
Xirsi waxa kale oo uu ku dhawaaqay in aan dastuurka qabyada ah afti loo qadi doonin sabata oo uu ku micneeyey in ay dawladda hortaagan yihiin caqabado, laakiin wuxuu sheegay in ay u codayn doonaan 480 wakiil oo ka kala yimid Puntland.
Kordhinta waqtiga Faroole waxaa lagala hor yimid diidmo ka imanaysa qaar ka mid ah siyasiyiinta. Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Cali Yuusuf “Gaaggaab” ayaa toddobaadkii hore madaxweynaha ugu baaqay in uu doorasho qabto January, 2013, ka dib markii uu ku eedeeyey in uu xeerar gaar ah ku dhex darsaday dastuurka qabyada ah si uu hal sano oo dheeraad ah u xaqiijiyo.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo