Maarso 20, 2012
NATO ayaa Isniintii (19-ka March) isku raacday in ay hawlgalkeeda loogu magac daray Hawlgalka Gaashaanka Badda (Operation Ocean Shield) gaarsiiso sanadka 2014-ka, iyadoo sheegtay in dedaallada caalamiga ah ee lagu xakamaynayey burcad-badeednimada ayaa haatan yaraynayaan tirada afduubyada, AFP ayaa werisay.
Hawlgalka NATO oo ka kooban afar markab oo dagaal oo jooga biyaha Geeska Afrika, ayaa ilaa 2008-dii hojoogsaday dhacac fara badan, galbiyeyna maraakiin QM sahay ugu siday Afrika.
Ciidamada badda ee ajaanibta ah ee uu ka kooban yahay hawlgalka NATO “ayaa waxtar ku tallaabsanaya iyagoo tirada afduubka burcad-badeedda ee guuleystay si weyn hoos ugu djigay 2012,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee NATO, Anders Fogh Rasmussen oo tiwitarka qoraal ku sameeyey.
"Farriinta aannu u dirayno burcad-badeeddu waa caddahay, awoodda aad maraakiibta ku hgaddadi lahaydeen waa sii yaraanaysaa, go’aanka NATO-na tegi mayo,” ayuu soo dhejiyey.
Midowga Yurub oo isagu leh hawlgalkiisa lid-burcad badeed ayaa toddobaadkan ka fikiraya in ay maraakiibtooda dagaalka u oggolaadaan in ay xabbado ku ridaan baabburrta xammuulka ah, sahayda, doomaha iyo shidaalka kaydka ah ee burcad-badeedda xeebaha u yaal, AFP ayaa werisay.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo