Maarso 19, 2012
Al-Shabaab ayaa Axaddii (18-ka March) xabsiga u taxaabay xubin Maraykan ah Cumar Xamaami oo ka tirsanaa kooxda laakiin magac-dheeraa Abuu Mansoor al-Amriki ka dib markii uu dhacay khilaaf soo shaac-baxay oo ku saabsan istraatijiyadda kooxda, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa werisay.
Xamaami ayaa Sabtidii cajalad muuqaal ah soo dhigay dhawr shabakad wareed oo af-Soomaaliga lagu qoro iyo YouTube-ka, isagoo sheegaya in ay naftiisu ku jirto halis uga imanaysa dagaalyahannada saaxiibbadiis ah. Waxaa la soo sheegay in lagu xiray gurigiisa oo ku yaal koofurta Soomaaliya.
"Waxaan maanta farriintan u duubayaa, sababtoo ah waxan dareemayaa halis naftayda uga imanaysa Xarakada Mujaahidiinta al-Shabaab ka dib markii ay na dhex mareen khilaafyo ku saabsan sharecada iyo istiraatiijiyada,” ayuu Xamaami ku yiri farriinta muuqaalka ah.
Xamaami ayaa loo arkaa in uu yahay hoggaamiye muhiim ah oo ka mid ah dagaalyahaniinta ajnebiga ah ee kooxda oo uu ku biiray 2006-dii.
Ka dib markii ay cajaladdu soo baxday, al-Shabaab ayaa waxay muujisay “dhakafaar” waxaanay beeniyeen in ay nolosha Hamami ku jirto wax halis ah, AFP ayaa werisay.
"Waxaannu walaalaha Muslimiinta ah u xaqiijinaynaa in al-Amriki aanay halis ku hayn Mujaahidiinta oo uu walaalkeen weli ku raaxaysanayo dhammaan galladaha ay leedahay walaalnimadu,” ayuu xafiiska kooxda ee saxaafadda ku shaaciyay boggooda Tiwitarka.
Farriinta muuqaalka ah ayaa culays ku sii kordhinaysa warbixinno tibaaxayey kala qaybsanaan sii kordheysa oo ka dhex jirta al-Shabaab, oo hadda wajahaysa cadaadis ka saaran saddex furimood oo ay ka soo socdaan ciidamada gobolka iyo kuwa dawladda raacsan.
Taliyeyaasha al-Shabaab ayaanan wax faahfaahin ah ka bixinin xarigga Al-Amriki.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo