Maarso 18, 2012
Ururka lagu magacaabo Tansaaniya iyo Dalxiis Masuulnimo (RTTZ) ayaa furay toddobaad tababbarro ah oo la siinayo shaqaalaha soo-dhaweynta ee Caruusha dhamaadkii toddobaadka, The Guardian-ta Tansaaniya ayaa Sabtidii (17-ka March) werisay.
Aqoon-isweydaarsiyadaa oo loola gol leeyahay in lagu dejiyo hab Tansaaniya looga hirgeliyo shahaado siin heer qaran ah oo salka ku haysa tilmaamaha caalamiga ah ee dalxiiska masuulnimada leh, ayaa waxaa isagana sidoo kale lagu qabanayaa Daaru Salaam iyo Zanzibar.
"Habab xooggan oo si wanaagsan loo maamulay oo shahaado-siin dhinaca bay’adda ah iyo istiraatajiyad waafaqsan nidaamka caalamiga ah ayaa hudheellada yaryar ee Tansaaniya siinaya faa’iido dhinaca soo-jiidashada ah oo la soo jiito daxiisayaasha casrigan ee aadku ugu baraarugsan waxyaabaha la xiriira anshaxa iyo u damqidda bay’adda,” ayuu Damien Bell of oo u shaqeeya Honeyguide Foundation/RTTZ ka yiri aqoon-is-weydaarsigii Caruusha ka dhacay.
Aqoon-is-weydaarsiga oo ay qayb ahaan marti-geliyeen Safaaradda Ingiriiska, Ururka Shirkadaha Britishka ee Safarka, Hay'adda Caalamiga ah ee Travelife, Ururka Hoteellada ee Tansaaniya iyo Ururka Maal-galiayayaasha Dalxiiska ee Zanzibar, ayaa mulkiilayaasha, maareeyayaasha iyo suuq-geeyayaasha hudheellada bari doona wejiyada kala duwan iyo raadreebyada ay keenaan dalxiisyada masuuliyaddu ku dheehanthaay iyo meesha ay haatan marayaan suuqyada caalamiga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo