Dab-duureed Kenya ka kacay oo xaaqay dhulal badan oo kaymo ah

Maarso 18, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Dab-duureed ka kacay Mount Kenya National Park ayaa toddobaadkii ina dhaafay ku fiday bed dhan 80KM oo isku wareeg ah, Daily Nation-ta Kenya ayaa Sabtidii (17-ka March) werisay.

Dabka ayaa halis ku ah labo taallo biyood oo ku kala yaalla aagagga Mount Kenya iyo Aberdares, waxaanu burburiyey wax ka badan 1,000 hektar oo kaymo hore ahaa.

Adeegga Dab-damiska Kenya iyo kuwa Askarta Duurjoogta ayaa ka wada shaqaynaya sidii ay ula dagaallami lahaayeen dabkaa, waxaanay abaabuleen oo caawimaad weydiisteen bulshooyinka aagga deggan. In ka badan 200 oo qof ayaa ku biiray dedaallada dab-deminta ah, laakiin waa in la beddelaa 24 saac oo kasta, iyadoo ay taasi sabab u tahay oksijiinta oo ku yar meelaha joogagga sare ah.

"Waxaa ina soo foodsaaray caqabado waaweyn, waayo dab-demiyeyaasha ayay tahay in ay lugeeyaan in ka badan siddeed saac inta aanay gaarin kobta uu dabku ka holcayo, haddana waxay noqonaysaa in la beddelo xaaladaha oo qallafsan awgood,” ayuu yiri taliyaha aaggaa u jooga Adeegga Dab-damiska ee Kenya, Muchiri Mathinji.

Dabka ayaa markii hore ka billowday Narumoru oo ku taal Central Highlands, dabadeed wuxuu ku faafay Nanyuki iyo Gathiru in ka badan toddobaad ka hor inta aanay mar labaad ka kicin. Dab-demiska ayaa inta badan waxay ku shaqaynayaan qalab hore sida dabdemiyeyaasha la xambaarsado, ayay werisay jariidaddu. Dabaylo xawli sare ku socda oo aagga ka jira ayaa dabka ka dhigay mid ay adag tahay in la xakameeyo.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxay kulatahay khatarta ugu weyn ee hortaal Bariga Afrika maanta?

Fiirso natiijada