Maarso 18, 2012
Kenya ayaa Sabtidii (17-ka March) ku dhawaaqday in doorashooyinka guud ee soo socda la qaban doono 4-ta March, 2013-ka, taas oo soo afjaraysa toddobaadyo ay doodo kulul is weydaarsanayeen siyaasiyiinta iska soo horjeedda, AFP-da ayaa werisay.
"Waxaannu ku soconaynaa go'aankii dastuuriga ahaa ee maxkmaddu ridday... oo na faraysa in aannu doorasho qabanno 60 gudahood marka uu dhaco waqtiga Baarlamaanka,” ayuu yiri Axmed Isaaq Xasan oo ah guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha (IEBC).
Si kastaba ha ahaatee maxkamadda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in haddii ay heshiis qoraal ah ku oggolaan lahaayeen Madaxweyne Mwai Kibaki iyo Raysal Wasaare Raila Odinga in la kala diro dawladdooda wadaagga ah si la soo dedejiyo doorashooyinka, ay markaa ay sahlanaan kari lahayd in doorashada la soo dedejiyo,
IEBC-da ayaa sheegtay in aysan helin go’aan arrintaa ku saabsan ka dib markii ay la kulmeen labada hoggaamiye, sidaa awgeedna ay markii ay go’aan madaxda ka waayeen, ay iyagu sii ambaqaadeen in ay taariikhdaa gooyaan.
"Waxaa inoo caddaatay in aanay doonaynin in ay kala diraan dawladda wadaagga ah.... waxaa jira khilaaf iyaga ka dhexeeya oo ku saabsan goorta doorashooyinka la qabanayo,” ayuu yiri Xasan. Waa sababtaa tan aannu isugu xilsaarray in aannu lafteennu taariikhda goyno.
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu waraaqaha aq...
Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay saddexna waa ay dhaawacantay Khamiistii (16-kii Maajo) markii xa...
Kenya iyo Tansaaniya ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) si wadajir ah soohdintooda uga fuliyay howlga...
Cartan Sheekhdoon oo ahaa xubin ka tirsan kooxda xukuumadda la jaalka ah ee Ahlu Sunna wal Jamaac...
Maleeyshiysaad looga shakisan yahay in ay ka yimaadeen Itoobiya ayaa Khamiitii (16-kii Maajo) wax...
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa Khamiistii (16-kii Maajo) waxa uu Wasiirkii ...
Tansaaniya iyo Canada ayaa wada saxiixday heshiis iskaashi oo loo asteeyay in kor loogu qaado isl...
Ciidamada Qaranka Soomaaliya ayaa dilay 13 dagaalyahaniinta al-Shabaab ah Talaadadii (14-kii Maaj...
Xilligii kama dambaysta ahaa ee loo qabtay dadka reer Mandheera in ay ku soo wareejiyaan hubka sh...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
RAYSUL WARAASARAHA SHARAFTA MUDAN IYO MADAXWEYNAHA SHARAFTA MUDAN LABADUBA WAA TARTAMEYAAL SIYAASADEED. RAILA IYO XISBIGIISA ODM WAXAY DOONAYAAN IN AY U SII DALACAAN KURSIGA MADAXWEYNANIMADA INKASTOO KIBAKI UU DOONAYO SI UU U XAQIIJISTO IN XISBIGA PNU AY QAADATO MADAXWEYNANIMADA. HADDII LAGU KALSOONAADO TAARIIKHDA DOORASHADA, WAXAA WALI IMAANAYA JAHAWAREER KALE. GUDDIGA DOORASHADA EE IEBC WAA IN AY HOGGAAMISAA NIDAAMKA, BALSE NIDAAMKA WAA IN UU RAACSANAADAA DASTUURKA KENYA EE HADDA LA JOOGO DHAQAN-GALAY WAANA IN AY U ARKAAN DADKA KENYATIGA AH IN UU YAHAY MID CADDAALAD KU SALAYSAN.