Maarso 16, 2012
Reer tansaaniya waa in ay si adag u shaqeeyaan si ay u xaqiijiyaan in aanay carruur iyo hooyo midna dhiman xilliga uurka iyo marka ay haweenku umulayaanba, ayay Salma Kikwete ku tiri dad maalintii Khamiista isugu soo baxay munaasabad khaas ah (White Ribbon Day) si loo yididiilo-galiyo nabdoonaanta hooyooyinka.
"Dhimashada la xiriira xanuunnada uurka ku tacalluqa ayaa hoos uga dhacay 8,000 oo gaaray 7,000 sanadkii, iyadoo geerida carruurta hal sano ka yarna ay hoos uga dhacday 51,000, ayna gaartay 41,000 sanadihii u dhexeeyey 2005-kii ilaa 2010-kii,” ayay tiri marwo Kikwete. Waxay sheegtay in natiijooyinku ay yihiin kuwo “rajo fiican leh, laakiinse dagaalku uusan ku dhaweyn in uu dhamado iyadoo bar-tilmaameeedku uu yahay in la xaqiijiyo in aanay waxba dhiman.”
Tansaaniya ayaa waxay haatan leedahay waaridda dhallaanka ee ugu sarraysa Bariga Afrika.
Waxaa kaloo ay sheegtay in haween intii hore ka badan ay haatan dooranayaan in ay cisbitaallada ku dhalaan, dhalmo joojiyena isticmaalaan, kuwaasina waa qaybo ka mid ah waxyaabaha hagaajiya caafimaadka hooyada. “Waa calaamad fiican oo muujinaysa in haddii aannu dedaallada sii kordhinno, ay markaa suuroggal tahay in aannu si weyn u yarayno dhimashada amaba aannuba gebigeedba tirtirro [dhimashada la xiriirta dhalmada hooyada],” ayay tiri marwo Kikwete, iyadoo intaa ku dartay in ay arrintani Tansaaniya ku hagaajin doonto gaaridda Himilada Horumareed ee Kun-sanaadlaha.
Kikwete ayaa qoysaska iyo bulshada rayidka ahba ku boorrisay in ay miisaaniyad gaar ah meel u dhigaan hooyooyinka aan weli dhalin, dawladdana waxay ugu baaqday in ay ka dhabayso ballan-qaadkeedii ahaa in ay kordhinayso tirada ardada haatan dhiganaysa macaahidda caafimaadka.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo