Maarso 16, 2012
Dawladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa Khamiistii (16-ka March) isla oggolaatay qorshe lagu dejinayo aagagga cusub ee laga xoreeyey gacan ku haynta al-Shabaab, xafiiska raysal wasaaraha ayaa sidaa ku sheegay war-murtiyeed ka soo baxay.
Wasiirrada iyo saraakiisha sarsare ayaa isku raacay in ay tahay in dawladdu ay si degdeg ah tallaabo u qaaddo oo ay buuxiso meelihii ay banneeysay al-Shabaab, iyadoo taa looga gol-leeyahay in nabadda loo cago dhigo, dib-u-heshiisiinta la dardar geliyo, markaana la dhiso maamulo maxalli ah oo shaqaynaya.
"Hannaanka DFKMG ahi wuxuu noqon doonaa mid ay cid waliba wax ku soo kordhin karto, oo dimuqraaddi ah oo lagana wada qayb-qaato,” ayay tiri oraahdu. “Hannaankani wuxuu ku salaysnaan doonaa dhaqankii hore ee Soomaalida ee dib-u-heshiisiinta iyo wadahadallada ku salaysnaa, waxaana loo jaangoyn doonaa in xaaladaha markaa meesha ka jira uu la jaanqaadi karayo.”
Muhiimadaha ay dawladdu diiradda saarayso waxaa ka mid ah talinta sharciga, xakamaynta hubka cululs, dib-u-dejinta qaxootiga, soo celinta qaybinta gargaarka bani’aadannimo iyo bixinta adeegyada asaasiga ah.
Dawaladda FKMG ahi waxay qabanqaabin doontaa shirar dib-u-heshiisiin ah oo lagu qaban doono aagagga la xoreeyey waxaanay isugu yeeri doontaa hoggaamiyeyaasha bulshada si ay uga wada hadlaan qaddiyadaha ay ka mid yihiin ammaanka iyo hub dhigista, iyo weliba qorshayaal ku aaddan doorashooyin maxalli ah, ayay tiri warbixintu .
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Dawladda Federaalka KMG ee Soomaaliya waxay sii wadday guulihii millatari ee ay ka gaartay Xarakada al-Shabaab, dawaladdu ayadoo gacan ka helaya ciidamada midowga Afrika, waxayna gacanta ku dhiggeen caasimadda Muqdisho kadiba dagaal seddex sano socdey. Ciidamada Kenya ayaguna waxay hadda joogaan koonfurta, kuwa Itoobiyanka ahna waxay joogaan dhowr meelood oo kale oo Soomaliya kamid ah, sidoo kale waxaa jirta ciidamo maleeshiyaad ah oo ka amar qaata Kenya oo kala jooga koonfurta iyo badhtamaha Soomaliya kuwaaso la dagaalamaya Alshabab. Dagaalka ay dowladda kumeel gaadhka ahi kula jirto Alshabab wuxuu marayaa meel uusan midna ka kale ka adkaan Karin.