Maarso 16, 2012
Shir degdeg ah ayay Khamiistii (15-ka March) isugu yimaadeen golaha wasiirrada Soomaaliya ka dib markii Arbacadii uu qof is maadiimiyey weerar uu ku qaaday xerada madaxtooyada ay ku dhinteen shan qof, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ku taal ayaa werisay.
Shirka oo ay albaabbadu u xirraayeen ayaa waxaa guddoominayey raysal wasaare Cabdiweli Maxamed Cali. Isaga ka dibna afhayeenka dawladda, Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa aqriyey warbixin uu ku sheegay in ninka is-qarxiyey la oran jirey Cumar Garweyne, sida ay idaacaddu werisay.
"Xubin ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxweynaha ayaa ismiidaamiyaha ku caawiyey in uu aagga qasriga soo gaaro,” ayay AFP ka xigatay Yariisow oo oranaya. Ninka is qarxiyey wuxuu soo dhaafay saddex bar-koontarool, markaa ayuu kiciyey alaabtii qaraxa ee ku marrayd isagoo diley naftiisa iyo shan qof oo kale oo uu ku jiro ninkii dembiga la maleegayey, ayay werisay AFP-du.
Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkaa iyadoo Soomaalida markaa ugu yeertay “in ay ka qayb-qaataan dagaallada lagula jiro gaalada iyo dawladda riddada ah,” afhayeenka al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa yiri Arbacadii, sida ay sheegtay AFP-du.
Al-Shabaab ayaa u ciirsatay tabo goriillayn ah ka dib markii ay ka bexeen saldhigyadoodii ku yiillay Muqdisho bishii August.
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray xildhibaanka laga soo doorto Iringa Peter Msigwa iyo 60 gnacsade a...
Maxkamad ku taal Boosaaso ayaa dambi ku heshay dabadeedna ganaaxday 78 Iraaniyiin ah Axaddii (19-...
Bilayska Tansaaniya ayaa xiray15 tuhmane oo lala xiriiriyay dabkii habeeynimadii Jimcaha la qabad...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa tirtiray xilkii taliyayaasha bilayska goboll...
Rag hubeeysan ayaa Axaddii (19-kii Maajo) dilay laba qof afar kalena ku dhaawacay weerarro kala d...
Shir la doonayo in looga arrinsado fursadaha saliidda iyo gaaska, maal-gashiga, amniga, iyo kaaba...
Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa Axaddii (19-kii Maajo) waxa ay tababar soco...
In kabadan 1 milyan oo Soomaali ah ayaa baaqi ku sii ahaan doona "cunno yari" illaa iyo September...
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Soomaaliya waa waddan ay isugu tageen calaamdo Afrikanimo, islaanimo iyo carabnimo; sidaa darteedna waa in waxyaabahaas iyo abtirkaas la ilaaliyaa, hadday wax faragalin caalami ah ama mid gobol ay dhacdana waa in arrimahan la eegaa.