Maarso 15, 2012
Tobanaan kun oo ka mid ah kalkaaliyeyaasha Kenya ayaa soo gebaggabeeyey shaqo ka fariisi labo toddobaad ah oo curyaamiyey cisbitaalladii ka dib markii ay shir heshiis ku dhamaaday la qaateen raysal wasaaraha, AFP-da ayaa Arbacadii (14-ka March) werisay.
"Shirka ayaa waxaa ka soo baxay in si degdeg ah loo joojiyo shaqo ka fariisigii shaqaalaha caafimaadka oo ay si aanay shuruudi ku xirrayn ay shaqadii ugu noqdaan,” ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska Raysal Wasaare Raila Odinga.
Kalkaaliyeyaasha ayaa 1-dii March billaabay shaqo ka farisigooda si ay uga ashtakoodaan wax ay ku sheegeen in ay dawladdu ku guuldarraysatay in ay ka dhabayso mushaharo kordhintii ay oggolaatay sanadkii hore. Shaqo ka fariisiga ayaa sababay in ay cisbitaalladii shaqaale la’aan ku dhacdo, iyadoo mararka qaarna bukaannada iyadoon la daweyn guryahooda loo diray, sida ay sheegtay AFP-du. Dawladda Kenya oo arrintaa ka jawaabaysa ayaa toddobaadkii hore shaqadii ka eriday 25,000 oo ahaa kalkaaliyeyaasha shaqada ka fadhiyey, tallaabadaa oo ay ka noqotay dawladdu sida ka muuqatay war-murtiyeedkeeda.
"Waxaa kale oo laysku raacay in dhamaan waxyaabaha ay ka ashtakoonayaan shaqaalaha caafimaadku si buuxda wax looga qaban doono,” ayuu yiri xafiiska Odinga.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo