Geerida dadkii ku dhintay weerarkii astaanka basaska ee Nairobi oo 9 gaartay

Maarso 14, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Tirada dhimashada weerarkii bambaano ee lala beegsaday saldhigga basaska Machakos Sabtidii ayaa gaartey sagaal ka dib markii ay saddex hor leh oo reer Kenya ah u dhinteen dhaawacyadii soo gaaray, Laanqaydha Cas ee Kenya ayaa Talaadadii (13-ka March) shaaca ka qaadday.

"Dadkaa geeriyooday waa dadkii ay bambaanooyinku u geysteen dhaawacyada aadka u ba’an,” ayuu yiri af-hayeenka Laanqaydha Cas ee Kenya, Frederic Gori. Ugu yaraan 40 dhibbane oo uu dhaawac meeshaa ka soo gaaray ayaa waxaa haatan lagu daweynayaa Cisbitaalka Kenyatta National Hospital.

Afar tuhmane oo ay ku jiraan saddex carruur ah ayaa Axaddii la xiray iyadoo lala xiriiriyey qaraxa, balse dib ayaa laga sii daayey, ka dib markii ay mar labaad Talaadadii su’aalo weydiiyeen bilayska lidka argaggixisada, AFP ayaa werisay. Weli ma cadda in dacwooyin lagu soo oogi doono iyo in kale.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Al-Shabaab ma ku badbaadi doontaa hoggaanka Axmed Cumar iyadoo isku xiran kadib dhimashadii Axmed Cabdi Godane?

Fiirso natiijada