Maarso 13, 2012
Madaxda Kenya ayaa Isniintii (12-ka March) si shuruud ku xiran ku sii daayey afartii qof ee loo xiray tuhunkii la xiriirey weerarradii bambaanooyinka ee diley lixda qof isla markaana dhaawacacay 60-ka ee Sabtidii Nayroobi ka dhacay, qareenka dadkii la tuhunsanaa ayaa sheegay.
Afarta qof ayaa su’aalo la weydiiyey laguna amray in dib loogu soo celiyo bilayska lidka argaggixisada maalinka Talaadada, sida uu sheegay qareen Chacha Mwita. Wuxuu kaloo sheegay in loo diidey in uu la xiriiro macaamiishiisa oo aan weli dacwo lagu soo oogin.
Mid ka mid ah dadka arrintan loo haysto, Sylvester Opiyo, ayaa ku jiran liiska bilayska ee dadka la doon-doonayo, waxaana lagu tuhunsanaa in uu xiriirro la leeyahay al-Shabaab iyo saaxiibbadeeda Kenya. Saddexda tuhmane oo kale ayaa ah dad aan qaangaar ahayn.
Iyadoo ay ciidamada Kenya al-Shabaab kula dagaallamayaan Soomaaliya, ayaa kooxda argaggixisada ah lagu eedeeyey in ay Kenya ka qoranayaan dhallinyaro weerarro geysata.
Al-Shabaab ayaa, si kastaba ha ahaatee, beenisay in ay ku lug lahayd weerarkaa bambaanada. “Al-Shabaab waxba kuma laha bambaanooyinka lagu weeraray Nayroobi,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim oo u hadlay al-Shabaab.
Yeelkeede, Sheekh Ibraahim meesha kama saarin weerarro kale oo musatqbalka ay qaadaan. “Maalin ayaa jiri doonta aannu weerari doonno magaalooyinkooda haddii ay gardarrada sii wadaan,” ayuu Ibraahin ku yiri AFP-da.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Khamiistii (23-kii Maajo) waxa uu shaaciyay labadii magac ...
Shan qof ayaa la dilay afar kalena way ku dhaawacantay laba weerar oo ka dhacay gobolka waqooyi-b...
Sababta ugu wayn ee colaadihii ay ku dhinteen in kabadan 150 qof ee sannadkii hore ka dhacay Tana...
Ururka Caafimaadka Adduuna (WHO) ayaa shaaciyay in cudurka dabaysha uu ka dillaacay Geeska Afrika...
Ciidamada Soomaaliya ayaa xiray xiray shirkadihii isgaarsiinta iyo ganacsiyo kale oo ku yaal Bele...
Xukuumadda Soomaaliya ayaa bilaabi doonta in ay maamuullo goboleedyo ka dhisto goobaha dhawaan la...
Wasiirka Tamarta Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud iyo danjiraha Japan u fadhiya Jabuuti Atsushi Nish...
Furitaanka Shirka Bixiyayaasha Saliidda iyo Gaaska Tansaaniya ayaa lagu qaban doonaa Daarusalaam ...
Xildhibaanada waxay dib uga noqdeen mooshinkii ka dhanka ahaa Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shird...
Madaxweynaha maamul-goboleedka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Talaadadii (21-kii Maajo) ...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo