Ilaalada Jamhuuriga ah ee Jabuuti oo sharfay ninkii ku guulaystay nuska maaradoonka

Maarso 12, 2012

  • +hoos ku faallee
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Ilaalada Jamhuuriga ah ee Jabuuti ayaa Sabtidii (10-ka March) sharfay ninkii ku guulaystay maaradoonka nuska ah, Muumin Geelle, La Nationta Jabuuti ayaa werisay.

Xafladdii lagu maamuusayay guusha uu Geelle ka soo hooyey Nus-Maaradoonkii Jabuuti ee Caalamiga ah, ayaa waxaa loo dallacsiiyey isbatoore dhexe ka dib markii uu madaxweyne Geelle gaaray go’aan khaas ah.

Gaashaanle sare Maxamed Jaamac oo ah madaxa Ilaalada Jamhuuriga ah ayaa sheegay in Madaxweyne Geelle oo doonayo in uu dhiirriggeliyo oradyahannada sida Geelle, “oo soo ceshay muuqaalkii iyo sharaftii ciyaartoyda dalka.”

Jaamac ayaa sheegay in uu rajeynayo in Muumin Geelle uu sii wadi doono in uu dedaalo oo uu markaana ka soo dhalaali doono Ciyaaraha Olimbigga ah ee sanadkan ee ka dhacaya London.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Illaa iyo xadkee baad ku kalsoon tahay in xukuumadaha Bariga Afrika ay tallaabooyin waafi ah u qaadayaan ka hortagga dillaacidda Ebola?

Fiirso natiijada