Maarso 12, 2012
Madaxda Somaliland ayaa Sabtidii (10-ka March) shaaciyey in ay xireen saddex sarkaal oo loo haysto musuqmaasuq iyo in ay lunsadeen cunto gargaar ah.
Bilayska ayaa xabsiga u taxaabay Guddoomiyihii Gobolka Hargeysa Axmed Cumar Cabdullaahi, Xoghayihii Joogtada ahaa ee Wasaaradda Dib u Dejinta, Axmed Cilmi Yare iyo Cusmaan Siyaad oo la taliye gaar ah u ahaa madaxweyne ku xigeenka.
"Ka dib markii la ogaaday in ay saddexda sarkaal ka dambeeyeen xadidda cuntoi gargaar ah, ayuu madaxweynuhu eryay waxaanan doonayaa in an idiin caddeeyo in ay dhawaan maxkamadda hor iman doonaan,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Cabiraxmaan Ismaaciil Saylici, sida uu sheegay Radio RBC-ga Soomaaliya.
Seylici ayaa sheegay n ay saraakiishu leexsadeen afar baabbuur oo cunto u siday dad gudaha ku barakacay, iyo in cuntadii suuqa lagu iibsadayba. Wuxuu intaa ku daray in ay –waa saraakiishee- xirraan doonaan inta uu socdo baaritaanku.
Xiritaannadan ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee ay ku tallaabsadaan guddida lidka musuqmaasuqa ilaa berigii la aas’aasay, Somaliland Press ayaa Axaddii werisay.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Shaqo aad iyo aad u qurux badan ayaad qabateen Guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa Soomaaliland iyo saraakiisha xukuumadaba , sare u sii qaada shaqada wanaagsan ee aad haysiin