Maarso 11, 2012
Dagaallo dhex maray ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya iyo dagaalyahaniinta al-Shabaab oo ka dhacay tuulada Yurkud eek u taalla Soomaaliya Sabtidii (10-ka March) ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo labada dhinac ka dagaallamayey, AFP-da ayaa werisay.
Sarkaal kuwa dawladda raacsan ah oo la yiraahdo Khaliif Aaden ayaa sheegay in ay al-Shabaab Yurkud soo weerareen subixii Sabtida ahaa. “Qaar badan oo ka mid ah ayaa laga diley intii uu socday dagaalka kharaar. Dagaalku haatan waa dhamaaday al-Shabaabna si xooggan ayaa looga adkaaday,” ayuu ku yiri AFP-da.
Taliye al-Shabaab ah oo la yiraahdo Sheekh Maxamed Abuu Faaduma aya isaguna guul sheegtay. “Dagaalyahaniinta mujaahidiinta ayaa weerarkoodii ugu guusha badnaa ku qaaday baraha uu cadawgu ka joogey Yurkud,” ayuu yiri.
Ilaha Milliteri ee labada dhinac ayaa sheegay tiro dhimasho oo kala duwan, balse labaduba waxay qireen in uu dhacay dagaal faraha looga gubtey oo soconayey saddex saacadood, sida ay AFP-du sheegayso.
Yurkut ayaa ku taalla meel muhim ah oo ah jidka xuduudka Itoobiya iyo Soomaaliya ku xira Baydhabo oo ahayd kob koofurta Soomaaliya ku taalla oo ay hore al-Shabaabku ugu xoogganaayeen oo ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaaliya dib u qabsadeen bishii hore.
Ergo ka socota Urur-goboleedka Horumarinta (IGAD) ayaa booqday madax ku kala sugan Muqdisho iyo K...
Nin argaggixisonimo looga shakiyay iyo xaaskiisa ayaa toogasho lagu dilay lix askari oo bilayska ...
Shan qof ayaa lagu xiray Daarusalaam Khamiistii iyaga oo haysatay walxaha laga sameeyo qarxyada, ...
Madaxwenaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku boorriyay sharci-dajiyayaasha in ay dhinac iska dhigaan ...
Ciidamada dawladda Soomaaliya ayaa gobolka Bakool ku dilay sagaal ka tirsan dagaalyahannada al-Sh...
Rag hubeeysan oo aan la garaneeyn ayaa fiidnimadii Sabtida (18-kii Maajo) waxa ay waqooyi-bari ke...
Xisbiga talada haya Kenya ee Isbahaysiga Jubilee ayaa hoggaanka u qabtay laba guddi-barlamaan oo ...
Rugta Ganacsiga Jabuuti iyo Hay'adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ayaa ilaalada xirmo...
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Tansaaniya Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa ku boorriyay saxaf...
Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in loo baahan yahay in la ballaariyo Howlg...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo