Raysal wasaaraha Somaaiya oo saraakiisha Kenya kala hadlay ololaha ka soo horjeeda al-Shabaab

Maarso 11, 2012

  • 1 Faallo
  • Daabac
  • Dib u celi Yaree Kordhi

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Jimcadii (9-ka March) Nayroobi kula kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya, Yuusuf Xaaji iyo saraakiil kale oo reer Kenya ah si ay uga wada hadlaan ololaha milliteri ee soconaya ee looga soo horjeedo al-Shabaab, Idaacadda Shabeelle ee Soomaaliya ayaa werisay.

"Soomaaliya iyo Kenya ayaa ra’yi mid ah ka qaba la dagaallanka al-Shabaab,” ayuu yiri Cali. “Waxay halis ku yihiin nabadda iyo amaanka labada dalba, sidaa darteed waa lagama maarmaan in aannu tab isku mid ah ka yeelano cadawgayaga guud.”

Mawduucyada laga wada hadlay waxaa ka mid ahaa tabaha al-Shabaab looga qabsanayo magaalada dekedda ah ee Kismaayo, iyo baabbi’inta arrintaa xigta ee al-Shabaab dalka looga aabbi’inayo ayay werisay idaacaddaa.

Cali waxa kale oo uu la kulmay Ergayga Gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augustine Mahiga si uu ugala wada hadlo qorshayaasha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Siyaasadda Soomaaliya.

(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo

Faallada akhristaha

  • Amiri
    March 11, 2012 @ 11:41:12PM

    Dawladaha kuwada jira hawsha ergada nabad sugidda soomaaliya waxay bixiyeen lacag aad u fara badan. Dawlado kale oo badanina waxay ku talaabsadeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka soomaaliyeed uguna fidin lahaayeen baahiyaha aasaasiga ah sida biyaha iyo cuntada. Ergadani waa mid aad ugu munaasib ah xaalada ka jirta soomaaliya, waxaanay wax tari kartaa dabargoynta kooxaha hubaysan ee soomaaliya ka jira, dadka soomaaliyeedna dhab ahaantii caawimo badan ayay ka heli doonaan.

Wararkii ugu Dambeeyey

Diiradda

Rukumo

Codayn

Maxaa kugu dhiirri-galiya in aad mas'uuliyiinta amniga ku wargaliso falalka laga shakiyo ama xubnaha loo malaynayo in ay ka tirsan yihiin ee al-Shabaab?

Fiirso natiijada