Maarso 11, 2012
Weerar bambaano ah oo lagu qaaday saldhig basasku ay leeyihiin Sabtidii (10-ka March) ayaa diley ugu yaraan 6 ruux dhaawacayna 63, sida ay sheegayso tiro cusub oo uu Axaddii soo saaray Wasiirka Amniga Gudaha Kenya George Saitoti.
"Tirada geeridu haatan waa lix waxaana dhaawacmay oo iminka Cisbitaalka Qaranka Kenyatta lagu dabiibayaa 63 qof oo ay 11 ka mid ihi si halis ah u dhaawacmeen,” ayuu ku yiri warfidiyeennada.
Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka balse bilayska Kenya ayaa al-Shabaabka saxiibbada la ah al-Qaacida ku eedeeyey.”Waxaannu tuhunsan nahay in ay tani tahay shaqadii al-Shabaab, balse waxaasi oo dhami baaritaannada ayay ku soo kala caddaan doonaan,” ayuu yiri Saitoti.
"Waxaannu sare u qaadnay amniga dhismayaasha dawladda iyo meelaha ay dadku isugu yimaadaan, kaniisadaha, hudheellada, suuq-weynayaasha, iyo meelaha basaska laga raaco, si aannu markaa dembiilayaashaas uga ilaalinno in ay gaaraan ujeeddooyinkooda gurracan,” ayuu yiri.
Weerarka ayaa ahaa kii ugu geeri badnaa ee Nayroobi ka dhaca ilaa berigii ay al-Qaacida qarxisay safaaradda Maraykanka oo ay berigaa ku dishey 213 qof, 5000 oo qofna ay ku dhaawacaday, taariikhdu markii ay ahayd August 1998.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka maamul-goboleedka Somaliand ayaa Talaadadii (18-ki...
Bilayska Tansaaniya ayaa Talaadadii (18-kii June) Arusha ku xiray afar xildhibaan oo ka tirsan xi...
Rag hubeeysan ayaa Gobolka Wajeer ku dilay askari ka tirsan kaydka bilayska habeeynimadii Talaada...
Japan ayaa oggoolaatay in ay siiso Tansaaniya $49 milyan o doolar (80.4 bilyan oo shilin) oo isug...
Kormeeraha Guud ee Bilayska Kenya David Kimaiyo ayaa si kalinimo ah u magacaabay soona gudbiyay 1...
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Talaadadii (18-kii June) waxa ay Madaxweyne Ku-xi...
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
run ahaan tii aad iyo aad ayaan uga xumahay qaraxaasi lagu gumaaday dad aah waxba galabsan waxaana kuwa dhaawaca ah ilaahay uaga baryayaa in uu caafiyo kuwa dhintayna uu ilaahay unaxariisto
Kuwa doqomada ah, dilaaga ah, aadka u jiran iyo ururada sharka iyo dunuubta u heellan waxey inaga mudan yihiin inaan nacdal dusha uga tuurno oon ku sifeeyno sifo kasta oo muujinaysa foolxumadooda iyo heerka naxliga dhaamiyey ee ay u hayaan bini’aadamka oo dhan guud ahaan. Xarakada Al-shabaab iyo dhaq-dhaqaaqeeda dhiig-yacabka ah waa waji kamida wajiyada argagixisadu yeelato waxeyna ku sifoobaan sifooyinka foosha xun oo dhan maxaa yeelay waxay ka qeyb yihiin ururada sharka u heellan. Waa in aanu nacladno iyaga iyo waxay cagaha ku qaataan ee gacan ku dhiiglayaasha iyo danbiilayaasha ah iyo dhagar qabayaasha dibad-wareega ah ee la qaba fikirkooda, kana shaqeeya danahooda taasoo ku kacaysa maxlaxadda shacabka aan waxba galabsan dhiigoodana daadinaya nafahoodana goynay maalin kastaba. Markaa ururka Al-shabaab ee argagixisada ah Allah ha naclado iyaga iyo qabqablayaasha dagaal ee u taliyaba dhamaantood Allah ha nacdalo.