Maarso 09, 2012
Dawlada Kenya ayaa Khamiistii (-da March) waxay shaqada ka eriday 25,000 oo kalkaaliye oo toddobaadkii hore mudaaharaad sameeyey, go’aankaa oo dalka khatar u gelinaya in uu yaraado cadadka xirfadleyda caafimaad ee dalka, AFP ayaa werisay.
Kalkaaliyeyaasha ayaa 1-dii March billaabay in ay ka mudaaharadaan sida ay dawladdu ugu guul-darraysatay in ay fuliso kordhintii mushaharooyinka oo laysku raacay sannadkii hore. Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa sameeyey shaqo ka fariisi bishii December si ay u codsadaan mushaar kordhin, sahay siin, iyo adeegyada oo loo kordhiyo cisbitaallada bulshada.
Dalku “intaan ka badan ma sii fiirsan karo iyadoo ay dadka reer Kenya ku dhex rafaadayaan isbitaallada iyadoon ciduna daweynayn, sababtuna ay tahay kalkaaliyeyaashii iyo shaqaalihii kale ee caafimaad ayaa shaqo ka fariisi ku maqan,” ayuu yiri afhayeenka daawladda Afred Mutua.
Wali ma cadda inta ay le’eg tahay iyo inta ay ka dhigantahay tirada laga rukhseeyey kalkaaliyeyaashii dalka, laakiin haddii shaqo ka eryiddani ay rumawdo oo la sii ambaqaado, dalkan reer Afrika habkiisa caafimaad aad bay tani saamayn ugu yeelan doontaa, ayay werisay AFP-du.
Mutua wuxuu sheegay in dawladdu ay raadinayso in ay beddesho kalkaaliyeyaasha shaqada laga eryay, isagoo intaa ku daray 25,000 ee kalkaaliye mar horeba laga saaray liiska mushaar-siinta dawladdda. “Mar haddii la eryey kalkaaliyeyaashaa, waxaannu dadka u qalma ee caafimaadka yaqaan ugu baaqaynaa in ay araji u soo qortaan shaqooyinkaa si loo buuxiyo meeshaa maran,” ayuu yiri Mutua.
Bilayska ayaa degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Muqdisho ku xirxiray boqollaal loo tuhmay in ay...
Shir soconaya saddex maalmood ayaa ka furmay Muqdisho Talaadadii (18-kii June), kaas oo isku keen...
Ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay bari-taarayaan kuwa Howlgaka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AM...
Xogyaha Arrimaha Gudaha iyo Xiriirinta Xukuumadaha Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa Isniintii (17-ki...
Dab qabsaday suuqa weyn ee Gaarisa ayaa burburiyay in ka badan 100 buqcadood habeeynimadii Isniin...
Xoghayaha Dawladda ee Midnimada Qaranka Jabuuti Zahra Yuusuf Kayad ayaa Isniintii (17-kii June) w...
Guddiga barlamaanka ee miisaaniyadda ayaa diiday qorshe xafiis cusub loogu iibinayo madaxweynihii...
Gubato ka kacday magaalada Balbala ee Jabuuti Axaddii (16-kii June), ayaa burburisay 11 guri iyad...
Sawirradii ay al-Shabaab ku soo bandhigtay barteeda Twitter-ka Axaddii (16-kii June) oo ay ka muu...
Bilayska Kenya ayaa Mombasa ku dilay Kassim Omolo Otieno oo looga shakiyay argaggixisannimo intii...
(Nidaamka faallada) *Khaanadaha ay tahay in la buuxiyo
Faallada akhristaha
Arrintan waxay ka mid tahay indha sarracaadyadii dadka lagu siri jirey ee la dhihi jirey waxbaa la xallin. Ma aha in nolosha dadka lagu khamaaro. Ma jiraan wax farqiya oo u dhexeeya ruux Kenyan ah oy dilayaan ururka argagixisada ah ee Alshabab iyo kuwa u dhimanaya sababtoo ah kalkaaliyayaashii caafimaad baa shaqo-joojin ku jira sababtu waxay doonto ha ahaatee. Xukuumaddu waa inay si fiican u qaadataa dhabta ah in xaaqinka cusub laga yaabo inuu si fiican wax u xaaqo, laakiin ay ka fakan karto waxyaabo yar yar oo badan.